Thursday, September 5, 2024

Maalmaha Xorriyadda Soomaaliya

 


Maalmaha Xorriyadda Soomaaliya

 Caawa oo kale 26-Juun,1960ki ayey ahayd habeenkii Calan Soomaaliyeed oo xor ahi uu ka dhexbabaday ciid Soomaaliyeed, munaasabaddan sareysa ee sharfan waxaa nasiib u yeelatay magaalada Hargaysa, Shacab Soomaaliyeed oo dhiirran, rajjo wanaagsan, aadna u faraxsan ayaa habeenkaas boqran inadhaha ku nuursaday calankeenna quruxda badan ee 195ka dal ee dunida uusan jirin mid quroo la muunad ahi. Hindisaha calankaas oo kasoo maaxday maskaxdii hal abuurnimadu kudheehnayd ee AHU Maxamed Cawaale Liiban. Waa habeenkii Alle ha unaxariistee Abwaanki Soomaaliyeed ee Cabdullaahi Suldaan Timacadde, uu maansadii quruxda badneyd ee“Kaana Siib, Kanna Saar” uu tiriyey oo ay kamid ahayd “….saaxirkii kala guurnaye sarreeyow ma nusqaamow an siduu yahay eego e kaana siib kanna saar….”.

Afar beri kadib ayey Soomaalida u ahayd taariikh kale oo mug weyn 1di-Luulyo,1960 oo ay midoobeen labadii gobol ee nacabka gumaystuhu kala haystay ee Waqooyi iyo Koonfur oo aan aaminsanahay inay ceeb inagutahay maanta inaynu ku kala abtirsanno labadaas gumayste.

Halganno gumaysi ladirir oo xiriir ahaa, halyeeyo naftoodii huray, ummad u heellanaa xorriyad ayaa keenay xorriyadda maalmahaan oo kale aynu u dabaaldegno sanadkasta.

Muhiimadda xorriyad udirirka iyo halgan-kaan dheeri wuxuu ahaa inaynu dalkeenna, dadkeenna, diinteenna iyo danaheennaba u madax banaanaanno oo aynu noqonno dad iyo dal xor ah, kaas oo cisi iyo sharaf dadkiisu ku nool yihiin dunidana waxlaqaybsada. Tan beddelkeeda oo ah sida aynu maanta nahay awoowayaasheen dhaawac, gaajo, silic, dhimasho iyo dhibaatooyin kale oo tiro badan uma soomareyn inaynu noqonno qobolo yaryar oo soo kala horjeeda kuwaas oo si dadban loo gumeysto, codowgeenuna danihiisa ku ilaashado kana fushado rabitaankiisa.

 Waan hubaa halyeeyadii dalkaan naftooda iyo maalkooda usoo huray hadday maanta noolaan lahayeen markay arkaan qaabka aynu unool nahay iyo hab fikirkeenna liita inay murugo iyo naxdin udhiman-lahaayeen markale.

Gabayadii dardaaranka ahaa ee u dammeeyey ee uu tiriyyo AHU halgamaa Sayiid Maxamed Cabdalle Xasan oo uu Soomaalida kulahadlayey ugana digayey xeeladaha gumaystaha waxaa kamid ahaa “…Dirhamkuu idiin qaybinhayaad, dib u go’aysaane, Dabinbuu idiin qoolayaa waydin dagayaaye, Marka hore dabkuu idinku dhigi, dumar sidiisiiye, Marka xiga dalkuu idinku oran duunyo dhaafsade, Marka xiga dushuu idinka raran sida dameeraaye…”.!

100 sano iyo dheeraad kadib xilliga gabaygan sare ee Sayid Maxamed ayaad mooddaa qaabkuu tilmaamay inaynu u noolnahay maanta oo aynu joogno 2024.

Maanta marka aad aragno ficilada aan fiicnayn ee kadhacaya hareerahaaga ma’ahan inaad niyad jabtid taasi waa sifada dadka aan hammiga sare lahayn ee xammaasaddu hoggamiso, waa inaynu yeelannaa yididiilo iyo hammi ummadeed oo dheer.

Dhanka kale dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay ogaadaan in inbadan oo kamid ah dadka hoggaanka inoo hayya iyo kuwo badan oo doonaya inay hadda inoo qabtaan hoggaanka wadanka ay yihiin dad niyad jabsan xaal kooduna kusoo ururay inay waxay kunoolaan lahaayeen inta nolosha ugahartay inay inaga shaqaystaan taasina waxay ku tahay dhabarjab weyn hanka iyo horu socodkeenna ummadnimo.

Sidaa owgeed, muwaadiniinta wanaagsan, niyadda fiican ee tirada badan oo dhallintu hormuudka u tahay waxaa laga rabaa inay boorka iskajaffaan, midoobaan, door hoggaamineedna yeeshaan, majirto dhibaato lagu waaro abid haddii aysan dadkaasi iyagu isdhigan oo is dhiibin, manajirto waqti barito ladhaho oo kuuharay, waxaynu ubaahannahay dabaal-dagga maalmaha xorriyadda inuu sanad walba kan ku xiga ka fiicnaado, oo ay jiraan hiigsiyo sanadle ah si isbeddel lataabankaro uu udhaco si-sanadle ah.

30 sano ayeynu kadammaynaa dunida kale oo aynu inagu iskumaqnayn haatan waa inaynu si wadajir ah u dhahnaa “intaas ka badan maya” “no more” qofwalba oo Soomaali ah oo maanta nool waxa saaran waajib ah inuu ka shaqeeyo Caawinta, Walaaltinimada, Midnimada iyo Horumarka dalkeenna iyo Dadkeenna Soomaaliyeed.

Marka aad eegto qaab dhismeedka bulshooyinka adduunka, dalalka labada-boqol kudhow ee dunida ee kunaaloonaya midnimada ummadeed, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarada bulshada ee kala duwan, waa dad kala nooc-nooc ah dhan walba asal, dhaqan, diin, midab, af iwm laakiin inagu waxaynu nahay dad cajiib ah oo waxwalba wadaaga sifadaan cajiib ka ahi waa wax aynu uga faa’iidaysan karno dhanka wanaagsan, walaal-tinimadeenna isir wadaagga ah oo lagu daray maskax furnaanta Soomaalida ilaahay hibada u siiyey ee dadbadani inoo qireen waxay inoo horseedi kartaa horumar degdeg ah.

Waa muhiim inaynu noqon bulsho xammaasadaysan oo kaliya sida aynu samayno ayaamaha xorriyadda, xilliyada doorashooyin iwm taas beddelkeeda waa inaynu noqonnaa ummad leh aragti fog iyo u jeedooyin nololeed. Waa inaynu lafa gurnaa (gorfaynaa) waxyaabaha ka dhacaya hareeraheenna, qaab isbeddelka dunida iyo saamaynahooda. Inagoo niyadda ku haynayna in inaga iyo u badkeenuba xaq uleenahay inaynu kunoolaano wadjir ummaddeed, nabad iyo nolol sharfan oo horumarsan.

Ma’ahan inaynu ka jawaabno oo aynu baraarugno markii dhibbi inasoo foodsaarto oraah Ingiriis ah ayaa ahayd “filo dhibaatooyinka una sii quraaco/una sii diyaar garow” waa inaynu yar iyo weynba meel ku qorannaa oo aynu ku baraarugsanaanaa in xorriyadda iyo gobanimadu u baahantahay xoog iyo qorshe ummaddeed oo fog, waa inaynu garowsannaa inaynaan dad xor ah ku sii ahaanayn kolba dhibka ina soo wajaha inaynu Midowga Afrika iyo Ummadaha Midoobay u catowno.

Ugudamayntii, Midnimadii ummadda soomaaliyeed ee 1960ki waxa ay ahayd aragti iyo yididiilo wanaagsan oo la rabay Soomaalida ku nool bariga Afrika oo dhammi in ay ku midoobaan hal dawlad oo hal calan leh. Taas maanta mahayno laakiin waa rajjo uu leeyahay qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ahi, wadajirka, isu keenidda iyo midaynta ummadda Soomaliyeed waa wax lama taabtaan ah oo aytahay inaynu dhammaanteen kawada shaqayno.

Tafaraaruq qarnigan 21’aad ah ee dadka qaar maanta uxadraynayaan waa inaynu u wada aragno liidnimo, aragti aad ugaaban iyo horseedka gumaysi cusub. Hankeennu waa inuu ahaado Soomali leh hal dal oo awood badan kuleh gobolka bariga Afrika dunida wax laqaybsada.


W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)

Xaruur143@gmail.com 

No comments:

Post a Comment

DHIBAATOOYINKA QAADKA EE BULSHADA

  Qaadku wuxuu dhibaato fara badan u gaystaa bulshada, dhan caafimaad, dhaqaale, dhaqan, cibaado, qoys, iyo dhan nadaafadeedba. Ummadda Soom...