Isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo booska shaqada ee Soomaaliya!
Hordhac
Isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo booska shaqada waxaynu ula jeednaa marka qofka waxbarashadiisa, xirfaddiisa, iyo khibraddiisa waayo aragnimo aysan waafaqsanayn nooca shaqada uu bulshada u hayo.
Inta badan waddamada sookoraya sida kuwa qaaraddan Afrika, waxaa laga dheehan karaa goobaha shaqada isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta waxbarasho ee qofka iyo jagada shaqada uu hayo oo aad u kala duwan, maadaama nidaam-ka shaqaalaysiintu uu san u badnayn mid ku salaysan karti iyo xirfadda qofka (merit-based hiring).
Is-dhaafsanaata u dhexeeya aqoonta adeegaha iyo jagooyinka shaqada uu bulshada u hayo waa arrin saameyn ku leh waxqabadka iyo horumarka xarumaha shaqada ee dal kasta.
Soomaaliya, arrintani waxay ku haysaa dhib aad u weyn, waxayna inaga saamaysay dhankasta siyaasad, waxbarasho, caafimaad, amni, ganacsi, diin, dhaqan iwm. Waa mid kamid ah sababaha aynu u dhaqaaqi la’nahay dhinac walba. Waa wax aanan lala yaabin markii Soomaaliya la joogo in Sarreeye Guud (Qof darajo sare oo ciidan haysta) loo magacaabo wasaaradda ganacsiga ama isbeddelka cimilada iyada oo baahida kowaad ee dalka tahay amni, taas beddelkeedana qof bartay maamulka ganacsiga, oo aan waligiis baran waxla xiriira amni, loo magacraabo wasiirka amniga dalka.
Runtii aad ayaad u niyad jabaysaa marar badan markaad qiimayso dalkeenna sida ay isku dhaafsan yihiin shaqooyinka dadka iyo wax ay ahayd inay ka shaqeeyaan. Waxaa xusid mudan in isku dheelitirnaan la’aanta caynkan ahi kaliya aysan ka jirin shaqooyinka dowladda, laakiin ay kajirto meelkasta sida goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.
Asbaabta isku-dheelitirnaan la'aanta kajirta aqoonta qofka iyo shaqada:
Arrintan oo mudan in doodo waaweyn laga sameeyo maadaama ay saamayn aan wanaagsanayn ku yeelatay tayada hay’adaheenna kala duwan waxaa sabab u noqon kara:
1. Musuq-maasuqa iyo Qaraabo kiilka
Markii aad joogto Soomaaliya haddana laga hadlayo shaqaalaysiin arrinka koowaad ee niyaddaada kusoo dhacaya waa qabyaalad, qof-jeclaysi, musuq-maasuq iyo wax is daba marin.
Markii waxyaabaha aynu kor ku xusnay yimaadaan waxaa si dabiici ah u dhumaya ama meesha uga baxaya hal beegyadi kale ee keeni lahaa iswaafaqsanaanta aqoonta (qualification-ka) shaqsiga iyo booska shaqo. Sidaa si lamid ah waxaa adkaanaya inaynu ka hadalno tayo-shaqo, xirfad, waayo-aragnimo shaqo, hufnaan adeeg iyo hurumar. Waa halka Soomaalidu ka tiraahdo hal xaaraan ah, nirig xalaal ah madhasho. Qof aan si sax ah ku imaan uma badna inuu wax saxan qabto.
2. Heerka Shaqo La'aanta
Soomaaliya waxay kamid tahay wadamada shaqala’aan ugu badani ka jirto gobolka sandkii dhammaaday ee 2023 waxay heerka shaqala’aanta dalku maraysay 19.2% sida ururka shaqaalaha adduunku xusay. Markii shaqala’aantu sidan oo kale ay aad u baahdo waxay keentaa in dadku waayaan shaqooyinka ay xiiseeyaan oo ay garanayaan ama cilmiga u leeyihiin, markii ay xirfaddooda shaqo ay wax ku waayaan waxaa imanaysa aakhirka in dadku ka shaqeeyaan wax ay garanaan iyo wax aysan garanaynba si ay dakhli uun u helaan oo ay u noolaadaan.
Tan oo sii kordhinaysa heerka isku-dheelitirnaan la'aanta ee aqoonta qofka iyo mansabka ama shaqada uu hayo.
3. Manaahijta waxbarashada dalka
Inaga iyo qayb badan oo kamid ah dalalka soo koraya ayaa ku guul daraystay inay layimaadaan nidaam waxbarasho oo soosaaraya arday xirfad adag leh oo la jaan qaadaya baahiyaha suuqa shaqada ee dalkiisa ama si gaar ah deegaankiisa. In kasta oo aynu dadaalayno, laakiin waxaa xusid mudan in manaahijta kala duwan ee deegaanada dalku ay yihiin kuwo inta badan kusalaysan cilmi guud halka ay ahayd inay kusalaysnaadaan xirfadaha suuqa ee markaas taagan ama loobaahanayo mustaqbalka dhow.
Tani waxay sababaysaa in arday badan oo waxbartay ay shaqo-la’aan noqdaan muddo dheer hadhowdina intay meel iska dhigaan shahaadooyin koodi ay raadiyaan wax uun shaqo ah oo ay nolol maalmeelka kasoo dhacsadaan iyaga oo aan u eegayn takhakhuskooda aqooneed.
4. Shuruucda Oo Aan Lafulin
Nidaamka shaqaalay siinta iyo shuruucda kale ee dalku aad ayey u qurux badan yihiin markay ku xardhan yihiin waraaqaha, laakiin markay noqoto in la fuliyo kuwa aytahay inay fuliyaan dhinac ayey ka maraan oo way iska indho tiraan wixii qornaa in badan oo kamid ah. Taas waxaa gundhig u ah isla xisaabtanka oo aad u hooseeya tan oo keenaysa si xun u adeegsiga awoodaha xafiiska uu joogo shaqa bixiyuhu.
Shuruucda shaqada oo aan si wanaagsan loo raacin waxay xoojinaysaa keenidda goobaha shaqada dad aan shaqada ku habboonayn iyada oo ay bannaanka joogaan kuwii lahaa aqoonta, xirfadda iyo waayo-aragnimada shaqada. Tani waxay caadi kanoqotay goobaheenna shaqada waana meelaha salka u ah isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo shaqada.
5. Waayidda Xirfadlayaasha Loo baahanyahay
Waxaa laga yaabaa in aad qodobkan layaabto! Laakiin waa arrin maan-gal ah in badan oo ka mid ah aqoonyahanki iyo xirfadlaydi dal keenna ayaa u haajirayey dibadda 40-ki sano oo u dameysay, iyaga oo raadinaya amni iyo fursado shaqo oo ka wanaagsan kuwa xaddidan ee dalka ka jira. Taas oo horseedday yaraanta dadka khibradda iyo xirfadaha gaarka ah leh ee looga baahan yahay goobaha shaqada qaarkood.
Tusaale, hadda kahor waxaan ka shaqaynayey goob waxbarasho waxaanu hindisnay inaan soo kordhinno kulliyad cusub oo saynis ah, dalkana muhiim u ah deegaankana aan ka jirin markaas. Waxay ahayd talaabo fiican waxaan helnay ardaydii baran lahayd cilmigaas…qaybtan cusubi aniga ayey i hoos imanaysey, waxaan sifiican u xusuustaa dhibkii aan ka maray inlahelo barayaal tababaran, waayo-arag ah oo xirfaddaas leh tan oo aakhirki keentay in kulliyaddii lagu joojiyo meel dhexe (Dibloomo), markaannu weynay xirfadlayaal ku habboon sii socoshada kulliyaddaas oo sii dhiga heerka 1’aad ee jaamacadda. Mashaariic kala duwan oo dalka laga fullin lahaa ayey arrintani sabab u tahay inaan la fulin. Tani waxay abuurtaa mararka qaar duldaloollo keenaya in layska shaqaalaysiiyo dad aan ku habboonayn jagooyinka ka dib helid la'aanta codsade sax ku ah booskaas.
Maxaa ka dhalankara isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo booska shaqada?
Haddii aan lays-waafajin aqoonta qofka iyo booskiisa shaqo, waxaa dhacaya qaladaad tiro badan, aynu kasoo qaadanno saaddex natiijo oo waaweyn;
Koow: Tayo-xumo iyo Tuuganimo, Is-waafajin la’aanta u dhaxaysa aqoonta qofka iyo booska shaqada ee uu joogo waxay horseedaysaa waxqabad xumo baahsan. Sida caadiga ah markii qof lageeyo shaqo uusan u lahayn aqoon, xirfad iyo waayo aragnimo waxaa meesha kabaxaya oo la waayayaa kartidii, hal-abuurki iyo tayadii laga filayey goobtaas shaqo, taas oo keenaysa in goobtaas shaqo noqoto meel dayac iyo tayo-xumo baahsani ka muuqato.
Dhanka kale, waxaa meesha ka baxaya akhlaaqiyaadki shaqada, qofkaas meesha sida qaldan ku tagayna waxay u badantahay inuu noqdo tuug toos ah oo xoolaha ummadda booba ama tuug kalkaal, kaas oo sax iyo qaladba ku taageera kii meesha sida qaldan u keenay. Waana dhibaatooyinka maanta ina haysta ee meesha ka saaray in dadkeennu helaan adeegyada ay xaqa u lahaayeen inay helaan.
Labo: Niyad-jab iyo Quus, Markii qof shaqo ku yimaado asbaab ka baxsan kartidiisa qofnimo, si nafsiyan ah ayuu u dareemayaa niyad-jab. Waxaa istaas dheer qof ku yimi qaab qaldan, haddana ka shaqay naya shaqo uusan baran oo aqoon iyo waayo-aragnimo toona uu san u lahayn wuxuu qofkaasi noqonayaa mid niyad-jabsan haddana walaacsan oo ka welwelaya ilaa intee ayaad meeshan sii joogaysaa oo qofki ku keenay kugu sii haynayaa shaqadan.
Tani sidoo kale waxay saamayn weyn ku yeelataa shaqaaalaha guud ee goobtaas maalin ba qof aan shaqada la xiriirin daaqadda laga soo galinayo. Shaqaala weynaha guud ee goobta oo ay ku jiraan kuwii aqoonta, xirfadda iyo khibradda u saaxiibka ahaa ayey arrintani ku abuurtaa caajis, niyad-xumo iyo hoos udhac daacadnimo, tan oo ugu dameyntiina ay ka dhashaan in shaqaalaha fiicani meeshaa iskaga tagaan goobtaasina ay u burburto siyaabo kala duwan oo adeegga iyo sumcaddu ka mid yihiin.
Saddex: Sumcad-xumo, Isku-dheelitirnaan la'aanta qofka iyo booskiisa shaqadu waxay si xun u saameyn kartaa sumcadda wadankaas ama goobtaas shaqo. Markii aynu qof gayno shaqo uu san ehel u ahayn qofkaas isagana waynu dhibnay oo shaqada farxad iyo xasillooni kuma dareemayo, inaguna sumcaddeena dal ama hay’ad ahaaneed ayeynu ku ciyaarnay.
Bal qiyaas, qof dal ama hay’ad weyn matalaya sida wasaarad oo aan dhiggiisa shaqada kala doodin karin shaqada ay isugu yimaadeen! Tani in badan ayey dhacdaa markii aynu eegno qaar badan oo ka mid ah dadka aynu fagaarayaasha udirsanno. waliba waxay ka dhacdaa mararka qaar jagooyin ay sumcad xumo waddan tahay inay ka dhacdo. Dadka guud ee goobtaas joogaa waxay dalkaas ka qaadanayaa fikir aan fiicnayn oo tayo-xumo ku salaysan, sidaa owgeed waxaa muhiima inaynaan eegin qofka aynu shaqada gaynayno oo qura laakiin sidoo kale aynu eego natiijada ka dhalankarta qofkan iyo sumcad xumada uu inoo soo jiidinkaro qofkan aynu daaqadda kasoo galinnay shaqada ama aynu u dirsanayno fagaarayaasha caalamka.
Talo Soojeedin,
1. Shaqo-bixiyaha:
Markii shaqa bixiyuhu noocuu doono ha ahaado e uu shaqada keeno qof aan ehel u ahayn shaqada sida aynu kor ku xusnay waxaa hubaal ah in goobtaas shaqadu la kul mayso dhibaatooyin tiro beel ah.
Haddaba, waxaa la gudboon shaqo bixiyaha inuu fahmo si cadna u qeexo doorka, xirfadaha iyo waayo-aragnimada looga baahan yahay booskan uu doonayo inuu cid u magacraabo ama uu shaqaalaha u qaato, si uu u raadiyo cid ehel u ah shaqada ugana fogaado dhibaatada tayo-xumo ee ka imanaysa isku-dheelitirnaan la'aanta qofka iyo shaqada bilowga hore ba.
Arrin kale oo xusid mudan xalna u noqonkarta isku-dheelitirnaan la'aanta qofka iyo shaqada waxa weeye hagaajinta habka shaqaalaysiinta oo runtii dhib weyn uu inaga haysto. Haddii aynaan joojin qabyaaladda, qof jeclaysiga, eexda iyo musuqa lagama yaabo in aynu xal u helno tayo-xumada, isku dhexyaaca iyo dib u dhaca baahsan ee ka jira goobaheenna shaqada oo kuwa dowliga ah ugu horreeyaan. Sidaas awgeed, doorashada shaqaalaha ee aqoonta, kartida iyo waayo aragnimada ku salaysani waa xalka ugu horreeya ee dhibtan aynu ka hadlayno.
Ugu damayntii, waxaynu u baahannahay inaynu samayno qiimayn iyo isla xisaabtan ku salaysan caddaalad iyo xirfad. Maadaama qofkasta uu mas’uul yahay aakhirana xisaabi u taalo, waxaa lagama maarmaan ah inuu la xisaabtamo, qiimeeyo waxqabadka, adeegga, dad ladhaqanka, iyo tayada looga baahan yahay goobaha shaqo iyo shaqaalaha uu isagu mas’uulka ka yahay ama u sarreeyo. Tani waxay inaga caawinaysaa ogaanshaha meelaha ay sida qaldan wax uga socdaan ee u baahan is waafajinta, is beddelka iyo kor u qaadista.
2. Shaqaalaha:
Ka shaqaynta shaqo aadan aqoon iyo xirfad u lahayn ma’ahan arrin wanaagsan. waxayna qofka shaqaalaha ah u horseedi kartaa saamayn maskaxeed, iyo mid bulsho oo aan wanaagsanayn.
Qofka shaqaalaha ahi marka uu ka shaqaynayo shaqo uu san jeclayn oo xirfaddeedi uusan lahayn waa hubaal inuu dareemayo yaxyax, ku qanacsanaan la'aan shaqo, niyad-jab, caajis joogto ah, cadaadis, walaac baahsan, kalsooni xumo nafeed iyo ka qaybgal la'aan shaqo tan oo aan u wanaagsanayn badqadka maskax ahaaneed ee qofka.
Dhanka kale, isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo booska shaqada waxay horseed u noqon kartaa inuu xumaado xiriirka qofka iyo dadka kale ee ay shaqo wadaagta yihiin sida saaxiibada shaqada, macaamiisha, iyo kormeerayaasha shaqada maadaama qofku dareemayo kalsooni xumo aad u baahsan taas oo keenaysa inuu u arko qof walba in uu caqabad ku yahay shaqadiisa iyo irsaaqaddiisa, tani waa aragti iyo hab-fikir qofeed oo aan sax ahayn kana dhalanaya xirfad xumada qofka ee dhanka shaqada.
Isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo shaqadu waxay shaqaala u keeni kartaa cadaadis joogto ah iyo farxad la'aanta ka timaada ka soo bixid la’aanta waajibaadka shaqo ee qofka shaqaalaha ah laga filayo. Diiqadda uu qofku arrintaan ka dhaxlo waxay ka gudbi kartaa nolosha shakhsi ahaaneed ee qofka shaqaalaha ah iyada oo u sii gudbin karta nolosha qoyska qof kaas taasoo keeni karta dulqad yari, xanaaq joogto ah, iyo xiisad xubnaha qoyska ah oo sii xumaan karta xilli kasta.
Sidoo kale, isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo shaqada uu bulshada u hayo waxay qofka ku keeni kartaa inuu bulshada guud kala kulmo dhaleecayn joogta ah oo loogu gafayo shaqsiyaddiisa qof ahaaneed. Maadaama dhibkaan isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo shaqadu ay aad inoogu badan tahay waa suuro-gal inaad arrin taan dhaleecaynta, habaarka iyo cayda ah ee bulshada ka imanaysa aad u aragto si maalinle ah. Dad ka oo dhammina qof iskama wada maagaan ee waxaa jirta sababo keenaya in bulshadu qofkaas dhaleecayso waxaana ugu horreeya oo keenaya iswaafaqsanaan la’aanta filashada bulshada iyo shaqada qofka.
Gabo-gabo,
Soomaaliya, oo ah dal shaqala’aanta bulshadu si gaar ahna dhallinyarada ay aad u sarreyso, isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo shaqadu waa mid aad u xooggan guud ahaan dalka. Sababo la xiriira heerka shaqo la’aanta oo aad u badan, fursadaha shaqo ee xaddidan, iyo baahida helidda nolol maalmeedka oo aan sahlanayn.
Is-waafajin la'aantani aqoonta qofka iyo shaqadu waxay inta badan keentaa tayo-xumo adeeg, lunsasho hanti dadweyne, qanacsanaan la'aan shaqo, hoos u dhac wax soosaar, iyo niyad-jab ku yimaada dadka aqoonta iyo xirfadda leh ee goobaha shaqada jooga iyo xirfaylayda shaqada banaanka ka jooga oo u arka fursado ay xaq ulahaayeen in si qaldan looqaatay.
Haddaba, si aynu uga fakarno horusocodka dadkeenna iyo dalkeenna waxaa lama huraan ah inaynu dib u eegno iswaafajinta waxbarashadeena iyo suuqeenna shaqada, sidaas oo kale, dib u eegista nimaadka shaqaalaysiinta kharibban ee maanta aynu adeegsanno kaas oo ka fog caddaaladda bulshada iyo ilbaxnimada casriga ah ee dunida maanta.
W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)
No comments:
Post a Comment