Saturday, July 29, 2017

SIDEE BAAN U NOQDAA ARDAY KU GUULAYTA WAXBARASHADA?



“Aqoontu Waa Iftiinka Nolosha”!
Waxaa laysku wada raacsanyahay dhamaan ummadaha aduunka in waxbarashadu tahay asaaska garashada iyo guusha aadanaha. Ummad walibana guushooda iyo baraarahoodu ay kuxirantahay hadba inta ay waxbarashadoodu gaarsiisantahay.
Waa hubaal in jahligu yahay cadowga koowaad ee qofka. wixii cilmi ah oo uu qofku bartaana uu maalin uun anfacayo. Soomaliya markii laga yimaado quraan-ka oo ah asaasi arday walba oo Soomaliyeed uu soomaro nolashiisa waxbarasho. waxay waxbarshada Iskuulka iyo Jamacaddu u kalabaxdaa Afar sano oo dugsihoose ah, Afar dhexe iyo Afar sare intaas katibna ardaygu wuxuu ku biiraa Jaamacad ah saddex sano, Afar sano ama kabadan waxay kuxirantahay hadba cilmiga uu ardaygu ka baranayo jamacaddiisa. Waxaa xaqiiq ah inta uu ardaygu kujiro waayahan dheer ee waxbarasho inuu lakulmo caqabado badan taas oo arday badan ku kalifta inay iskaga haraan waxbarashadooda.
Qoraalkan hoose waxaan ku eegaynaa dhowr siyaabood oo uu ardaygu hadduu sameeyo uu ku guulaysankaro waxbarashadiisa laakiin kahor siyaabahaas lagu guulaysankaro aynu kajawaabno labo su’aalood oo kala ah:
1.      Waa Maxay Guul?
-          Guushu waa gaaridda uu gaaro qofku natiijo sare ama rajo uu doonayey inuu helo ama gaaro.
-          Waa inuu noqdo qofku waxa wanaagsan ee uu doonaayo inuu noqdo sida Dakhtar, Bare-sare, Shiikh caalim ah, Ganacsade weyn, Siyaasi caan ah, Hooyo ama Aabe wanaagsan  iwm.
2.      Waa Kuma Ardayga Guulaysta?
-Waa ardayga ahmiyadda koowaad siiya waxbarashadiisa. Una isticmaala waqtigiisa qaab caqliyeysan, leh jadwal toosan oo haga, inta ugu bandan waqtigiisana kuqaata fasalka, maktabada iyo masaajidka.



Haddana Aan Idinla Wadaago Dhowr Qaab oo Muhiim ah Ardayga Isticmaalaana uu Ku Guuleysan Karo Waxbarashadiisa:-
1.      Yeelo Aragti Fog “Vision”:  Ardaygu waa inuu yeeshaa riyo uu doonayo inay maalin uun nolashiisa urumowdo. Haddii aad yeelato aragtidaas fog waxaa kuu fududaanaya inaad waxabarashadaada siisid mudnaanda koowaad. Is waydii Waamaxay riyadaada nolosha?
2.      Noqo Qof leh Qorshe: Tusaale Maxaan baranayaa? Maxaan u baranayaa? Xagee waxkabaranayaa? Goormaan baranayaa? Side ubaranayaa? Sidookale ahow qof ilaaliya balanta waqtigeeda kudadaal balan walba inaad ku timaadid waqtiga lagaaga baahanyahay ama waxyar kahor sida fasalka, kulamadda/shirarka, shaqadda iwm. Dajiso qorshe cad oo aad kusocotid dhanwalba.
3.      Ugudo Waajibaadkaaga Si Daacad ah: Dhibaatooyinka ugu weyn ee haysta arday badan waa arinta qishka. meelkasta hajoogeen, da’walba ha ahaadeen. Qishku wuxuu kamid yahay khiyaamooyinka uu ardaygu isagu isu geysto. Qishku mahan midka lasameeyo xiliga imtixaanka oo qura. Wuxuu noqonkaraa xiliyada layliyada ladiro oo ardaykale xogtiis aad sooqatado ama uu kaaga soo shaqeeyo ardaykale waxii laguu diray ama layli kooxeed laydiindiray adiguna aadan kaqayb qaadan lakiin magacaaga oo qura lagu soodaro iwm.

Siwalba ha ahaatee qishku wuxuu kucaawinayaa maalintaas layliga lagudbinayo oo kaliya laakiin waxaad kashalaynaysaa ayaamaha dambe ee noloshaada marka fadlan waxba ha qishin ceeb ma’ahan inaad fahmi waydo wax lagaarabay waydii saaxiibadaa ama macalinkaaga xilliga  ay kuhaboontahay inaad waydiiso.

4.      Hays Barbardhigin Dadka Kale: Haddii aad doonaysid inaad noqotid arday guulaysta waligaa hays barbardhigin dadka kale sida ardayda aad wax islabarataan, kuwa aad dariska tihiin, walaalahaa ama saxiibadada kale. Ha oranin heblaayo saas bay ulabisataa ana waan ulabisan, hebel fasalka wu maqnaadaa markuu rabo ana waan maqnaanayaa iwm.  Iskuday inaad noqotid qof unool, usocda qaab isaga ukhaas ah adigoo adeegsanaya caqligaaga saliimka ah.
Haddii aad qof waxkaga dayanaysid kaga dayo qof ama arday kaa horeeya (Cilmiga, akhlaaqda, dadaalka iwm). Nabi Muxamed “SCW” ayaa ah qofka ugu wanaagsan ee aad kudayankartid.

5.      Kuqanac Guulaha Aad Gaartid: Waa hubaal inaad gaartay guulo badan oo lataabankaro laakiin waxaa macquul ah inaysan kuu muuqan waayo kuma qanacsanid. Waxaa cad in halmaalin qofna uu san ku gaari Karin guusha waxbarasho ama horumarkale oo uu doonaayo inuu gaaro. maxaayeelay guushu waa hanaan “geedi socod” sidaa owgeed waa muhiim in ardaygu uu ku faano waxayar ee horumarka ah oo uu gaaro. Tusaale ahaan hadaad rabtay inaad “A” keentid imxtixaan ugu damayn ah oo aad gashay haddii aad keento “B” waa inaadan niyad jabin asabtoo ah arday baa keenay”C” midbaa keenay “D” midbaa dhacay sow adi kama wada sareeyso kuwaas oo dhan?

 Haniyad jabin waligaa waxad noqotaa  arday niyadsan, hanoqon mid niyad jabsan. Ogow niyad jabku waa bilowga guuldarada. fiiri ardayda kaa hooseysa si niyaddu kuugu dhisanto, waqti badan hakudhuminin qaladaadki aad sameysay kaliya waxkabaro si aysan marlabaad kuugu soo noqon horayna ugasoco.

6.      Udhagayso Casharka Si Taxadarleh: Haddii aaddoonaysid inaad noqotid arday ku guuleysta waxbarashadiisa waa muhiim inaad casharka udhegaysatid si feejignaani ku dheehantahay xiliga uu baruhu sharxayo casharka si aad u maqashid una fahantid casharka. Baryahaan dambe waxa aad ubatay taleefoonada casriga ah ee gacanta lagu qaato kuwaas oo ay arday badani ka isticmaalaan baraha bulshada sida (WhatsApp, Facebook, Viber, Instagram iwm) iyagoo kujira fasalka taasoo ah qalad weyn oo aysameeyaan ardayda qaarkood.

Internet-ku wuxuu leeyahay dhinac fiican iyo dhinac xun marka waa lagama maarmaan  in ardaygu uu leeyahay  qorshe tusaale goorman isticmaalayaa Facebook, WhatsApp, Google iwm. Haddaad ku isticmaasho kawaran fasalka dhexdiisa markuu macalinku casharka sharxayo?
Waxay dhibkutahay adiga oo ka boganmaysid isticmaalkaaga, waxay dhibkutahay sidoo kale ardayda kale iyo macalinka oo waxaad kusamaynaysaa fadqalalayn (khashkhashid) marka macalinku uu kuleeyahay jooji telefoonka.

 Marka fadlan iskuday inaad xukuntid naftaada oo uusan telefonkaaga kumaamulin markaad cashar dhagaysanaysid. Waa inaad iska ilaalisaa isticmaalida aan muhiimka ahyn ee teleefonka markaad joogtid goobaha waxbarashada, Cibaadada, bukaanka iyo meelaha lamidka ah ee isticmaalidda teleefonku uu san fiicnayn.

7.      Casharka Qoro waxna akhri: In ardaygu qorto casharka waa lagama maarmaan. Inaad qoratid casharka waxay  kaasaacidaysaa inaad hadhowdi gadaal ka aqrisato duruusti aad soobaraty sidoo kale waxay kaa caawinaysaa inaad sifiican wax ufahantid casharadda maxaayeelay markuu macalinku casharka sharxayo waxaad waxku qoranaysaa buugaaga adigoo adeegsanaya erayo kuufudud oo aad hadhowdi xasuusankartid.

Waxa dhicinkarta inay jiraan arday badan oo goobaha waxbarashada siiba waxabarashada sare aan u qaadan buug ay waxkuqortaan marka lagayimaado buuga macalinka taasi waa qalad weyn oo ardayda qaar sameeyaan. ardaygu waa inuu marwalba wataa buug uu waxku qorto xitaa hadduu usocdo siminaar yar ama aqoon kororsi kale sida netwo meel kadhacaysa. sababtoo ah inta aad maskaxda ku hayn kartid wixii laguu sheegay aad bay uyartahay marka fadlan isbar qaadashada qalinka iyo buuga haddii aad arday tahay si ay anfac uyeeshaan duruustii lagu baray.

Sidookale waa inaad wax akhridaa si aad maskaxdaada umaal gashadid waxbadanna aad u ogaatid waa inaad waxbadan akhridaa “wax badan akhri aad wax badan ogaatidee” inta aad casharka buuga ku qortid haddaa meel iskadhigtid hadhowdi Iskuulka/Jamacadda usooqaadatid mahan dhaqan fican lakiin taas lidgeeda waxaa lagarabaa ardaygu inuu isbaro dhaqan wax akhris oo uu akhristo casharadiisa iyo aqoonta kale ee horseedka u noqonkarta guushiisa.

8.      Layeelo Xiriir Wanaagsan Barayaashaada(Macalimiintaada): Guushaada waxa qayb weyn ka ah macalimiintaada. malinku waa waaridka labaad ee ardayga  inaad xiriir wanagsan oo xushma iyo qadarin kudhisan layeelataana waxay kaa saacidaysaa inay macalimiintaadu kujeclaadaan kuuna arkaan arday dadaalaya oo u baahan inlagarabqabto waxayku caawinayaa markii marxalado adagi kusoo wajahaan.
 Inta badan waxay kuu sheegayaan qaladaadkaaga iyo qaabka wanaagsan oo aytahay inaad udhaqanto, wax ubarato, una noqonkartid arday horumar gaara.
Waxa fiican inaad fariisato kuraasta hore ee fasalka si aad uhesho fursado badan oo aad macalinka waxku weydiinkartid sida hadday wax kugu adgaadeen casharadii lasoodhaafay. Iska ilaali waligaa inaad fariisatid kuraasta dambe ee fasalka. Haddaysan jirin duufo khaasa.

9.      Kaqayb Qaado Waxyaabaha ka  Dhacaya Fasalkaaga: Waa muhiim inaad qayb weyn ka ahaatid waxyaabaha kadhacaya goobtaada waxbarasho khaasatan fasalkaaga sida ka shaqaynta layliyada, kajawaabidda su’aalaha macalinka iyo howlaha horumarineed ee fasalkaaga. Dadka waxa loo kala saaraa saddex. qof sabab u ah inay wax dhacaan, qof qayb ka ah waxa dhacaaya iyo qof layaaba markay wax dhacaan. Marka iskuday inaad noqotid qofka 1’aad.

Cillad aan ku arkay arday badan oo Soomaaliyeed waxay tahay aadbay uhadal badanyihiin markay joogaan banaanka ama xitaa fasalka dhexdiisa laakiin markay timaado kaqayb qaadasho su’aalo ama jawaabo kuseeya casharka aad uguma firfircoona haba ubadnaadeen dhalinta waxlabarata ajaanibta (Jamacadaha Dibadda). Waxaa loobaahan yahay in ardaygu way diiyo macalinkiisa wixii ku adag markay kuhaboontahay. Kana jawaabo su’aalaha aytahay inuu kajawaabo. Hakabiqin inaad waxqaladid maxaayeelay inaad waxqaladid adoo iskudayaya inaad wax saxa samaysid waa qayb kamid ah waxbarashada.

10.  Yeelo Saaxiib Wanaagsan Iyo Dulqaad: Waxa ummaduhu iskuwada raacsanyihiin in qofna kalinimo uusan noolaankarin. Saxiibaduna saamayn aad uweyn iskuleeyihiin. “Qof walba wuxuu yahay/noqonayaa sida uu yahay saaxiibkiis” haddii aad la saxiibtid shaqsi aan wanaagsanay waa hubaal inaad adna lamidnoqonaysid hadduu fiicanyahayna waxbadan kafaa’iidayso.
Sidaa owgeed waxaa muhiim ah inaad saaxiibadaa hadda eegtid waa sidee diintoodu, dhaqankooda, dadaalkooda waxbarasho iwm. fadlan dooro saaxiib wanaagsan oo diin iyo habdhaqan wanaagsanleh dadaal badan dhanka waxbarashada, xumaanta kaa reeba Alla kacabsiga iyo wanaagana kuxusuusiya marwalbana guushaada jecel oo kudhiirigaliya.
Waxaajira arday badan oo guulo waa weyn nolashooda ka gaarilahaa markaad eegto caqligooda iyo kartidooda waxbarasho dunidana wax kusoo kordhinlahaa lakiin nasiibxumo ma’aysan dooran saaxiibo wanaagsan taasina waxay ku keenay in kartidoodu muuqanweydo.

Dulqaadka: waxa iyana muhiim ah oo guushaada waxbarasho qeyb weyn ka ah inaad noqotid qof dulqaadbadan oo sabra “Ninkii sabraa sadkiis hela”. Waxbarashadu waa hanaan qaata waqti dheer. Waxa macquul ah inta aad dhiganaysid inay kusoo wajahaan waqtiyo adag. Waana sababta loo yiraahdo “wadada loomaro waxbarashadu waa qaraartahay laakiin waxa macaan miraha waxbarashada”.
Isbar kunadadaal inaad noqotid shaqsi dulqaadbadan oo caradiisu yartay taas ayaa ah sirta guusha.

Gabagabo:
Rajada uguweyn ee qaran walba waxay kuxirantahay hadba sida ay dhalinyaradiisu u helaan waxbarasho wanaagsan. Waxa ugu wanaagsan ee lamaalgaliyona waa bini’aadam sidaa owgeed Fadlan dhiiri gali oo kaqayb qaado horumarka waxbarshada.
Mahadsanid,

W/Q  Ahmed Hussein Suleiman


No comments:

Post a Comment

DHIBAATOOYINKA QAADKA EE BULSHADA

  Qaadku wuxuu dhibaato fara badan u gaystaa bulshada, dhan caafimaad, dhaqaale, dhaqan, cibaado, qoys, iyo dhan nadaafadeedba. Ummadda Soom...