Waxaa laysku wada raacsanyahay dhamaan ummadaha aduunka in
waxbarashadu tahay asaaska garashada iyo guusha aadanaha. Ummad walibana
guushooda iyo baraarahoodu ay kuxirantahay hadba inta ay waxbarashadoodu
gaarsiisantahay.
Waa hubaal in jahligu yahay cadowga koowaad ee qofka. wixii cilmi
ah oo uu qofku bartaana uu maalin uun anfacayo. Soomaliya markii laga yimaado
quraan-ka oo ah asaasi arday walba oo Soomaliyeed uu soomaro nolashiisa
waxbarasho. waxay waxbarshada Iskuulka iyo Jamacaddu u kalabaxdaa Afar sano oo
dugsihoose ah, Afar dhexe iyo Afar sare intaas katibna ardaygu wuxuu ku biiraa
Jaamacad ah saddex sano, Afar sano ama kabadan waxay kuxirantahay hadba cilmiga
uu ardaygu ka baranayo jamacaddiisa. Waxaa xaqiiq ah inta uu ardaygu kujiro
waayahan dheer ee waxbarasho inuu lakulmo caqabado badan taas oo arday badan ku
kalifta inay iskaga haraan waxbarashadooda.
Qoraalkan hoose waxaan ku eegaynaa dhowr siyaabood oo uu ardaygu
hadduu sameeyo uu ku guulaysankaro waxbarashadiisa laakiin kahor siyaabahaas
lagu guulaysankaro aynu kajawaabno labo su’aalood oo kala ah:
1.
Waa Maxay Guul?
-
Guushu
waa gaaridda uu gaaro qofku natiijo sare ama rajo uu doonayey inuu helo ama
gaaro.
-
Waa
inuu noqdo qofku waxa wanaagsan ee uu doonaayo inuu noqdo sida Dakhtar,
Bare-sare, Shiikh caalim ah, Ganacsade weyn, Siyaasi caan ah, Hooyo ama Aabe
wanaagsan iwm.
2.
Waa Kuma Ardayga Guulaysta?
-Waa ardayga
ahmiyadda koowaad siiya waxbarashadiisa. Una isticmaala waqtigiisa qaab
caqliyeysan, leh jadwal toosan oo haga, inta ugu bandan waqtigiisana kuqaata
fasalka, maktabada iyo masaajidka.
Haddana Aan Idinla Wadaago Dhowr Qaab oo Muhiim ah Ardayga
Isticmaalaana uu Ku Guuleysan Karo Waxbarashadiisa:-
1.
Yeelo Aragti Fog “Vision”: Ardaygu waa inuu yeeshaa riyo uu doonayo inay maalin uun nolashiisa
urumowdo. Haddii aad yeelato aragtidaas fog waxaa kuu fududaanaya inaad
waxabarashadaada siisid mudnaanda koowaad. Is
waydii Waamaxay riyadaada nolosha?
2.
Noqo Qof leh Qorshe: Tusaale
Maxaan baranayaa? Maxaan u baranayaa? Xagee waxkabaranayaa? Goormaan
baranayaa? Side ubaranayaa? Sidookale ahow qof ilaaliya balanta waqtigeeda
kudadaal balan walba inaad ku timaadid waqtiga lagaaga baahanyahay ama waxyar
kahor sida fasalka, kulamadda/shirarka, shaqadda iwm. Dajiso qorshe cad oo aad
kusocotid dhanwalba.
3.
Ugudo Waajibaadkaaga Si Daacad ah: Dhibaatooyinka ugu weyn ee haysta arday badan waa arinta qishka. meelkasta
hajoogeen, da’walba ha ahaadeen. Qishku wuxuu kamid yahay khiyaamooyinka uu
ardaygu isagu isu geysto. Qishku mahan midka lasameeyo xiliga imtixaanka oo
qura. Wuxuu noqonkaraa xiliyada layliyada ladiro oo ardaykale xogtiis aad
sooqatado ama uu kaaga soo shaqeeyo ardaykale waxii laguu diray ama layli
kooxeed laydiindiray adiguna aadan kaqayb qaadan lakiin magacaaga oo qura lagu
soodaro iwm.
Siwalba
ha ahaatee qishku wuxuu kucaawinayaa maalintaas layliga lagudbinayo oo kaliya
laakiin waxaad kashalaynaysaa ayaamaha dambe ee noloshaada marka fadlan waxba
ha qishin ceeb ma’ahan inaad fahmi waydo wax lagaarabay waydii saaxiibadaa ama macalinkaaga
xilliga ay kuhaboontahay inaad waydiiso.
4.
Hays Barbardhigin Dadka Kale: Haddii
aad doonaysid inaad noqotid arday guulaysta waligaa hays barbardhigin dadka
kale sida ardayda aad wax islabarataan, kuwa aad dariska tihiin, walaalahaa ama
saxiibadada kale. Ha oranin heblaayo saas bay ulabisataa ana waan ulabisan,
hebel fasalka wu maqnaadaa markuu rabo ana waan maqnaanayaa iwm. Iskuday inaad noqotid qof unool, usocda qaab
isaga ukhaas ah adigoo adeegsanaya caqligaaga saliimka ah.
Haddii
aad qof waxkaga dayanaysid kaga dayo qof ama arday kaa horeeya (Cilmiga,
akhlaaqda, dadaalka iwm). Nabi Muxamed “SCW” ayaa ah qofka ugu wanaagsan ee aad
kudayankartid.
5.
Kuqanac Guulaha Aad Gaartid: Waa
hubaal inaad gaartay guulo badan oo lataabankaro laakiin waxaa macquul ah
inaysan kuu muuqan waayo kuma qanacsanid. Waxaa cad in halmaalin qofna uu san
ku gaari Karin guusha waxbarasho ama horumarkale oo uu doonaayo inuu gaaro.
maxaayeelay guushu waa hanaan “geedi socod” sidaa owgeed waa muhiim in ardaygu
uu ku faano waxayar ee horumarka ah oo uu gaaro. Tusaale ahaan hadaad rabtay
inaad “A” keentid imxtixaan ugu damayn ah oo aad gashay haddii aad keento “B”
waa inaadan niyad jabin asabtoo ah arday baa keenay”C” midbaa keenay “D” midbaa
dhacay sow adi kama wada sareeyso kuwaas oo dhan?
Haniyad jabin waligaa waxad noqotaa arday niyadsan, hanoqon mid niyad jabsan. Ogow
niyad jabku waa bilowga guuldarada. fiiri ardayda kaa hooseysa si niyaddu kuugu
dhisanto, waqti badan hakudhuminin qaladaadki aad sameysay kaliya waxkabaro si
aysan marlabaad kuugu soo noqon horayna ugasoco.
6.
Udhagayso Casharka Si Taxadarleh: Haddii aaddoonaysid inaad noqotid arday ku guuleysta
waxbarashadiisa waa muhiim inaad casharka udhegaysatid si feejignaani ku
dheehantahay xiliga uu baruhu sharxayo casharka si aad u maqashid una fahantid
casharka. Baryahaan dambe waxa aad ubatay taleefoonada casriga ah ee gacanta
lagu qaato kuwaas oo ay arday badani ka isticmaalaan baraha bulshada sida
(WhatsApp, Facebook, Viber, Instagram iwm) iyagoo kujira fasalka taasoo ah
qalad weyn oo aysameeyaan ardayda qaarkood.
Internet-ku
wuxuu leeyahay dhinac fiican iyo dhinac xun marka waa lagama maarmaan in ardaygu uu leeyahay qorshe tusaale goorman isticmaalayaa
Facebook, WhatsApp, Google iwm. Haddaad ku isticmaasho kawaran fasalka
dhexdiisa markuu macalinku casharka sharxayo?
Waxay
dhibkutahay adiga oo ka boganmaysid isticmaalkaaga, waxay dhibkutahay sidoo
kale ardayda kale iyo macalinka oo waxaad kusamaynaysaa fadqalalayn
(khashkhashid) marka macalinku uu kuleeyahay jooji telefoonka.
Marka fadlan iskuday inaad xukuntid naftaada
oo uusan telefonkaaga kumaamulin markaad cashar dhagaysanaysid. Waa inaad iska
ilaalisaa isticmaalida aan muhiimka ahyn ee teleefonka markaad joogtid goobaha
waxbarashada, Cibaadada, bukaanka iyo meelaha lamidka ah ee isticmaalidda
teleefonku uu san fiicnayn.
7.
Casharka Qoro waxna akhri: In
ardaygu qorto casharka waa lagama maarmaan. Inaad qoratid casharka waxay kaasaacidaysaa inaad hadhowdi gadaal ka
aqrisato duruusti aad soobaraty sidoo kale waxay kaa caawinaysaa inaad sifiican
wax ufahantid casharadda maxaayeelay markuu macalinku casharka sharxayo waxaad
waxku qoranaysaa buugaaga adigoo adeegsanaya erayo kuufudud oo aad hadhowdi
xasuusankartid.
Waxa
dhicinkarta inay jiraan arday badan oo goobaha waxbarashada siiba waxabarashada
sare aan u qaadan buug ay waxkuqortaan marka lagayimaado buuga macalinka taasi
waa qalad weyn oo ardayda qaar sameeyaan. ardaygu waa inuu marwalba wataa buug
uu waxku qorto xitaa hadduu usocdo siminaar yar ama aqoon kororsi kale sida
netwo meel kadhacaysa. sababtoo ah inta aad maskaxda ku hayn kartid wixii laguu
sheegay aad bay uyartahay marka fadlan isbar qaadashada qalinka iyo buuga
haddii aad arday tahay si ay anfac uyeeshaan duruustii lagu baray.
Sidookale
waa inaad wax akhridaa si aad maskaxdaada umaal gashadid waxbadanna
aad u ogaatid waa inaad waxbadan akhridaa “wax badan akhri aad wax badan
ogaatidee” inta aad casharka buuga ku qortid haddaa meel iskadhigtid hadhowdi
Iskuulka/Jamacadda usooqaadatid mahan dhaqan fican lakiin taas lidgeeda waxaa
lagarabaa ardaygu inuu isbaro dhaqan wax akhris oo uu akhristo casharadiisa iyo
aqoonta kale ee horseedka u noqonkarta guushiisa.
8.
Layeelo Xiriir Wanaagsan Barayaashaada(Macalimiintaada): Guushaada waxa qayb weyn ka ah macalimiintaada. malinku waa
waaridka labaad ee ardayga inaad xiriir
wanagsan oo xushma iyo qadarin kudhisan layeelataana waxay kaa saacidaysaa inay
macalimiintaadu kujeclaadaan kuuna arkaan arday dadaalaya oo u baahan
inlagarabqabto waxayku caawinayaa markii marxalado adagi kusoo wajahaan.
Inta badan waxay kuu sheegayaan qaladaadkaaga iyo
qaabka wanaagsan oo aytahay inaad udhaqanto, wax ubarato, una noqonkartid arday
horumar gaara.
Waxa
fiican inaad fariisato kuraasta hore ee fasalka si aad uhesho fursado badan oo
aad macalinka waxku weydiinkartid sida hadday wax kugu adgaadeen casharadii
lasoodhaafay. Iska ilaali waligaa inaad fariisatid kuraasta dambe ee fasalka.
Haddaysan jirin duufo khaasa.
9.
Kaqayb Qaado Waxyaabaha ka
Dhacaya Fasalkaaga: Waa muhiim
inaad qayb weyn ka ahaatid waxyaabaha kadhacaya goobtaada waxbarasho khaasatan
fasalkaaga sida ka shaqaynta layliyada, kajawaabidda su’aalaha macalinka iyo
howlaha horumarineed ee fasalkaaga. Dadka waxa loo kala saaraa saddex. qof
sabab u ah inay wax dhacaan, qof qayb ka ah waxa dhacaaya iyo qof layaaba
markay wax dhacaan. Marka iskuday inaad noqotid qofka 1’aad.
Cillad
aan ku arkay arday badan oo Soomaaliyeed waxay tahay aadbay uhadal badanyihiin
markay joogaan banaanka ama xitaa fasalka dhexdiisa laakiin markay timaado kaqayb
qaadasho su’aalo ama jawaabo kuseeya casharka aad uguma firfircoona haba
ubadnaadeen dhalinta waxlabarata ajaanibta (Jamacadaha Dibadda). Waxaa
loobaahan yahay in ardaygu way diiyo macalinkiisa wixii ku adag markay
kuhaboontahay. Kana jawaabo su’aalaha aytahay inuu kajawaabo. Hakabiqin inaad
waxqaladid maxaayeelay inaad waxqaladid adoo iskudayaya inaad wax saxa samaysid
waa qayb kamid ah waxbarashada.
10.
Yeelo Saaxiib Wanaagsan Iyo Dulqaad: Waxa ummaduhu iskuwada raacsanyihiin in qofna
kalinimo uusan noolaankarin. Saxiibaduna saamayn aad uweyn iskuleeyihiin. “Qof
walba wuxuu yahay/noqonayaa sida uu yahay saaxiibkiis” haddii aad la saxiibtid
shaqsi aan wanaagsanay waa hubaal inaad adna lamidnoqonaysid hadduu
fiicanyahayna waxbadan kafaa’iidayso.
Sidaa owgeed waxaa muhiim ah inaad saaxiibadaa hadda eegtid waa
sidee diintoodu, dhaqankooda, dadaalkooda waxbarasho iwm. fadlan dooro saaxiib
wanaagsan oo diin iyo habdhaqan wanaagsanleh dadaal badan dhanka waxbarashada,
xumaanta kaa reeba Alla kacabsiga iyo wanaagana kuxusuusiya marwalbana
guushaada jecel oo kudhiirigaliya.
Waxaajira arday badan oo guulo waa weyn
nolashooda ka gaarilahaa markaad eegto caqligooda iyo kartidooda waxbarasho dunidana
wax kusoo kordhinlahaa lakiin nasiibxumo ma’aysan dooran saaxiibo wanaagsan
taasina waxay ku keenay in kartidoodu muuqanweydo.
Dulqaadka: waxa
iyana muhiim ah oo guushaada waxbarasho qeyb weyn ka ah inaad noqotid qof
dulqaadbadan oo sabra “Ninkii sabraa sadkiis hela”. Waxbarashadu waa hanaan qaata
waqti dheer. Waxa macquul ah inta aad dhiganaysid inay kusoo wajahaan waqtiyo
adag. Waana sababta loo yiraahdo “wadada loomaro waxbarashadu
waa qaraartahay laakiin waxa macaan miraha waxbarashada”.
Isbar kunadadaal inaad noqotid shaqsi
dulqaadbadan oo caradiisu yartay taas ayaa ah sirta guusha.
Gabagabo:
Rajada
uguweyn ee qaran walba waxay kuxirantahay hadba sida ay dhalinyaradiisu u
helaan waxbarasho wanaagsan. Waxa ugu wanaagsan ee lamaalgaliyona waa
bini’aadam sidaa owgeed Fadlan dhiiri gali oo kaqayb qaado horumarka
waxbarshada.
Mahadsanid,
W/Q Ahmed
Hussein Suleiman