QISOOYINKI SHIIKH AW-SULEYMAAN
Hordhac
Aw-Suleymaan Maxamuud Maxamed Cali Xaruur wuxuu dhashay qiyaastii 1899 wuxuu ku dhashay agagaarka deegaanka Dawaar ee degmada Qandala ee gobolka Bari Soomaaliya, wuxuu wakhti fiican ku qaatay, qur’aankana ku dhammeeyey degmada Baargaal ee gobolka Bari, wuxuuna ku dhintay miyiga degmada Baargaal qiyaastii laba sano ka hor dowladdii kacaanka (1967), tan oo ka dhigan in uu noloshiisa inta badan ku qaatay degaanadaan aynu kor kuxusnay ee u dhexeeya badda Gacanka cadmeed (Qandala) iyo badda Hindiya (Baargaal) deegaanadaas oo ah halka ay kunoolaayeen aabihiis iyo awoowayaashiis, inkasta oo awlaaddiisi qayb badan oo kamid ahi ku farcameen meelo masaafo ahaan aad uga fog deegaanadaas sababo laxiriira guur-guurka Soomaalida ee salka ku haya reer guuraanimada.
Muuqaal ahaan Aw-Suleymaan wuxuu ahaa nin indho-qabadleh; laf dheer, muqaal furan oo casaan ah leh, garabkiisa midig waxaa u surnaan jiray kitaab leh gal caddaan ah, garabka bidixna waxuu suran jiray ubbo/buraashad weeso qaad ah. Aw-Suleymaan wuxuu ahaa shiikh taqqi ah oo cibaado badan, ku xiran Eebbe weyne, ku astaysan cabsi Alle, soon, xalaal miirasho, ixtiraam, soodhowayn marti, eex la’aan, cafis iyo tanaasul. Wuxuu ahaa shaqsi caan ka ah halkii uu ku noolaa oo ay aad u garanayeen dadkii ay ehelka iyo ood wadaagta ahaayeen ee ku noolaa miyiga deegaanada hoos yimaada degmooyinka Qandala iyo Baargaal ee gobolka Bari Puntland Soomaaliya halkaas oo uu shiikhu ku noolaa maantana uu ku aasanyahay.
Aw-Suleymaan waxaa laga soo wariyaa qisooyin aad u badan oo waano, iyo wax sheeg wanaagsan inoo noqon kara dhammaanteen. Qisooyinkaas oo aad u badan ayaan jeclaystay inaan qoro qaybaha ugu waaweyn ee cibro-qaadasha u leh jiilkeenna maanta nool.
Ujeeddada qisooyinkaan cajiib ka badan ee Aw-Suleymaan oo ah aniga awoowahay Aabbe, ee aan halkaan kusoo gudbinayo waa kuwo aan caruurtiisi goob joogga ahayd aan ka qoray, aniga oo qiso walba ka waraystay dhowr xubnood si qof-qof ah si’aan usugo sax ahaanshaha qisooyinkaan. Ujeeddada kowaad ee aan u qoray qisooyinkaan waxa weeye oo kaliya in aan aniga iyo adiga, iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee fursadda u hela inay dheehdaan ay u noqdaan tusaalooyin nololeed iyo wacyigalin bulsho.
Waayadaan uu Shiikhu noolaa oo ah bilowgi ilaa bartamihii qarnigii 20’aad noloshu aad ayey u adkayd oo waxay ahayd xilli inta badan Soomaalidu raacato ahayd, ayna ku jirtay gumaysigii reer Yurub iyo halgankii gumaysi diidka.
Danka deegaankaas uu Shiikhu ku noolaa dadku waxay ahaayeen xoola dhaqato, tiro yarna waxay ka shaqayn jireen Xijiga, Xaabada, Udbaha, Cawda iwm oo haddiiba iib loo helo loo iib gayn jiray deegaanada kale ee Soomaaliya iyo Carabta sida Cadan-Yemen.
Waa ku waan shan qiso oo ka mid ah qisooyinkii Aw-Suleymaan:
1. Qisadii Gaariga
Maalin maalmaha ka mid ah Aw-Suleymaan wuxuu ka safrayey dagsiimadiisa oo daganayd deegaanka Alacad-Karimo, wuxuuna Shiikhu u safray degmada Qandala ee gobolka bari oo ah degmada deegaanka uu shiikhu ka safrayo ka tirsanayd.
Aw-Suleymaan wuxuu la kulmay gaari guraya xattab (xaabo), qoryaha reer magaalka iyo doomalaydu (dadka doomaha wata) ee degmada imaadaa u adeegsan jireen karinta cuntada.
Waayadaas in baabuur lahelo waxay ahayd dhif iyo naadir, oo maalintii tuke cad la arko ayaa la heli jiray gaari lagu safro.! Shiikha oo ahaa nin cibaado maalinkaas wuu soomanaa, gobolka bari oo ah gobol buuralay ahna ma sahlana cimaladiisu oo inta badan waa cimilo aad u kulul.
Aw-Suleymaan wuxuu u tagay raggii gaariga xaabada ku rarayey, is bariidin kadib wuxuu ka codsaday inuu raaco maadaama ay isku waddo yihiin, oo uu soomanyahay, safarkuna uu ku dheeryahay.
Dareewalada baabuurta oo waagii hore aad u dabci adkaa, xirfadda dareewalnimada oo aan badnayn owgeed, dareewalkii wuxuu is jees-jees ku jiro u yiri Shiikhii haddaad soomantahay ma anaga ayaad noo soomantahay? Kuma qaadayo.
Aw-Suleymaan oo dabci ahaan ahaa shaqsi afgaaban, dareewalki waxba kuma oran ee wuxuu sii watay safarkiisi lugta ahaa wuuna ka tagay meeshii.
Raridda xaabada kadib, dareewalkii wuxuu furaha ku rogtay gaarigiisii laakiin nasiib xumo gaarigii wuu u kicin waayey! Fiir-fiirin iyo baaritaan uu dareewalku samayey ka gadaal, gaarigii cilladdiisi waala fahmi waayey, kadib ayaa kirishbowga (wiilki caawiyaha gaariga) ahaa oo garanayey Aw-Suleymaan maadaama sida la sheego uu Shiikhu Abti ugu beegnaa wiilka ayaa yiri “war aniga ayaa garanaya arrinka ina haysta oo Aw-Suleymaan ayaad si xun ula dhaqantay”!.
Barigaas kirish-bow yadu aad ayey ugu dulmanaayeen dareewalada oo kirishbownimadu waxay ahayd shaqo cabiidnimo ah. Dareewalku hadduu rabo cilla-waaqla ayuuba uga tagi jiray wiilasha caawiyaha gaariga ka ah, ka dibna cidna lama hadlin jirin dareewalka oo saan horay u xusan dareewaladu waxay adeegsan jireen awood xad-dhaaf ah oo ay ka helayaan aqoonta ay leediyiin ee dareewalnimada oo aad ugu yarayd dadka waagaas.
Haddii wiilki yiri war halkaasaa laynaga haystaa, dareewalki isaga oo yara ka xun ayuu yiri bal orad u yeel odaygi, gabanki oo asaga laftigiisu aad uga xumaa in oday abtigiis ah kharfa lagu siiddaayo ayaa isaga oo faraxsan orday oo kadaba tagay odaygii wuxuu ordaba, meel ayuu ku gaaray waa u qayliyey war abtiyoow kaalay ninkii dareewalka ayaa kuu yeerayee. Aw-Suleymaan wuxuu sooraacay wiilkii waxaa loo yimi gaarigii, dareewalkii wuxuu odaygii ku yiri adeerow arrinkan ayaa nahaysta ee waanu ku qaadaynaa. Aw-Suleymaan wuxuu yiri inasaara gaariga, haddii gaarigii la koray oo uu Aw-Suleymaan bisinka qabtay waala daaray gaarigii, waaba sidii isaga oo aan waligii xumaan oo kale, safarkii ayaa sidaas lagu sii watay ilaa dagmadi loo socday.
Casharka aynu ka barankarno qisadaan:
Qisadan Gaariga ee Aw-Suleymaan ee aadka u layaabka leh, waxay xambaarsan tahay casharro iyo xikmad nololeed oo muhiim ah. Waxyaabaha laga baran karo waxaa ka mid ah:
Sabur-ka: Aw-Suleymaan wuxuu muujiyey sabar iyo dulqaad, isaga oo aan u jawaabin dareewalkii su’aasha sida jees-jees ka ah u weydiiyey ee ku yiri shiikhan weyn “ma anaga ayaad noo soomantahay?” wax jawaaba shiikhu ma celin oo waa iska aamusay. Waana arrin ay maanta dhiirrigaliyaan dadka culuumta bulshada barta inaad qofka qiimeyn guud ku samayso inta aadan la doodin oo haddii bilowgaba qofku u muuqdo mid qalafsan oo aan lafahmayn waa inaad iskaga aamustaa xilli hore-ba waayo garowsho iyo garaabid gobeed kama helayso qofkaas.
Qisadani waxay ina baraysaa muhiimadda sabarka iyo dulqaaku leeyihiin iyo sida ay ugu dambayn guushaada qayb weyn uga noqon karaa, oo waa tii ayaaddi ahayd “Alle waxa uu macooda yahay kuwa saburka u saaxiibka ah ee sabra” Soomaaliduna iyada oo aayaddaan ka dheeganaysa ayey tiri “Ninkii sabra ayaa sadkii hela”.
Damiir Wanaag: Diinteenna cafiska ku dhisan, iyo dhaqankeenna Soomaaliyeed ee dadnimada iyo dunwanaaga ku dhisani midna ma dhiirrigalinayso aargoosiga iyo xifaaltanka dadka. Aw-Suleymaan isaga oo xushmad mudnaa oo ka mid ah saddexda duubka leh ee xushmadda gaar ka ah leh dhaqankeenna, laba kamib ah Oday iyo Wadaad, oo mudnaa xittaa haddii aan laqaadayn in si xushmad leh loola dhaqmo. Haddana markii wiilka kirish-bowga ahi kadaba yimi ee u sheegay siday wax u dhaceen iyo in loobaahan yahay oo looyeerayo, ma oran adeerow raali ahaada oo iskama sii socon sida maanta dad badan oo nooli ay samayn lahaayeen, ee wuxuu qaatay mabda’a ah “xumaan xumaan laguma gudo”, wuxuu muujiyey tanaasul iyo damiir wanaag oo wuxuu ku soo laabtay gaarigii cidlada ku caddilnaa si wixii ilaahay waafajiyo oo uu awoodo ugu taageero. Tan oo Alle weyne uu sabab uga dhigay in gaarigii kaco.
Barakada Eebbe: Arrin cajiib ah oo xusid gaar ah mudan waa barakada Eebbe markii Aw-Suleymaan uu koray gaariga shirkiisi hore oo uu bisinka qabtay, gaarigii wuu kacay/daarmay. Arrinkani waa wax cajiib ah, oo aan hubo inaysan fahmin karayn haddii aynu u sheegi lahayn qof aan muslim ahayn laakiin dadkeenna muslimiinta ahi ay fahmin karayaan in qofka mukhliska ah ee ugo’a cibaadada Eebbe, Alla ka cabsiga, si quman u raacidda awaamirta Eebbe weyne inuu Alle uga dhowaanayo dadka kale ilaa uu gaaro heer gaar ah oo ay dadku ku cimro-qaataan.
Arrin yar oo ka baxsan tan Aw-suleymaan aanku daro halkaan oo aan xasuusto, maalin ayaanu maraynay meel miyi ah, raf ah, oo dhadhaab leh “Dhagax-leh” waxay ahayd xilli hore oo waxkasta uma xasuusto si fiican laakiin waxaan aad u xasuustaa in gaariga aanu wadanay oo ahaa “Nissan” dhulka aad uga fog shirkiisa hore aan ku saarnayn aniga, Aabbahay Xuseen Aw-Suleymaan iyo nin aanu walaalo nahay oo gaariga waday, waxaa fuqday ama go’day halmar muraayad dhinac ah “muraayad haad” intiinna garanaysa muraayaddaasi aad ayey u culustahay oo waxay u badantahay inay jajabto markii laqiimeeyo masaafada ay dhulka u jirto, culeeskeeda, iyo meesha oo dhadhaab ahayd laakiin Aabbe aad ayuu bisinka ugu celceshay intii yarayd oo ay sii dhacaysa muraayaddu. Haddii gaarigii la istaajiyey dareewalki wuxuu sooqaaday muraayaddi oo aan waxba qabin. Aad ayuu ula yaabay isaga oo leh waxba magaarin!!. Aabbe wuxuu ku yiri wiilki dareewalka ahaa “Waligaa bisinka ha yaraysan!”. Arrimahan oo dhammi waxay ina tusinayaan Alle oo la kaalmaysto in lagu liibaanayo.
2. Qisadii Cawda
Qisooyinka hortabinta leh ee burhaanta/wanaagga xambaarsan ee Aw-Suleymaan waxaa kamid ah qisadan cawda. Maalin maalmaha kamid ah ayaa rag uu Aw-Suleymaan kamidyahay waxay soo doonteen caw (cawdu waa geedka laga falkiyo/sameeyo darmooyinka Soomalidu samayso, waxay ukala baxaan caw gaagaaban “caw-san” iyo caw dhaardheer “bal/mayro”), barigaas cawdu muhiim ayey u ahayd nolosha Soomaalida oo aad ayey u yarayd gogosha diyaarsan ee dibadda laga keeno sida xasiigyada iwm. Sidaas awgeed cawda inta la sooguro ayaa waxaa loo iib gayn jiray magaalooyinka si darmooyin/gogol looga sameysto.
Markii ay Aw-Suleymaan iyo asxaabtiisi yimaadeen meeshi cawda laga gurilahaa oo ahayd meel tog ah (meelaha cawdu kabaxdo ee biyuhu maraan ama biyaha leh), ayaa iyaga oo jooga galihii cawda lagu hagaajinayey markii lasoo guro, ayey arkeen qawle (niman burcad ah oo isu bahaystay inay dadka dhacaan kana qaataan sahayda iyo wixii kale oo haystaan), maadaama waagi hore noloshu aad u adkayd. Raggii uu shiikhu kamid ka ahaa waxay u baqeen xoogaagi sahayda ahaa ee ay wateen, kadib Aw-Suleymaan wuxuu ku yiri kooxdiisi ha eeginina qawlaha ee hoos eega wuxuuna bilaabay quraan akhris. In cabbaar ah kadib ayuu yiri Alle ina dhaafi ee aynu shaqaysanno, waaba iyada oo niman kii soosocday meel ay kabaxeen aan lagaranayn. Sida dadku sheegaan meeshu ma ahayn meel lagu kala qarsoomi karo laakiin Eebbe weyne wuxuu doono ayuu awoodaa oo waatii dhallintii asxaabul kahfi ee godka galayba uu dadka ka indho saabay 309 sano.
Casharka aynu ka barankarno qisadaan:
Qisada Aw-Suleymaan ee cawda waa mid ina tusinaysa inaan ruuxa muslim ka ahi hadduu la yimaado iimaan,iyo kalsooni buuxda oo uu Eebbihii ku qabo inuusan Alle weyne marna dayacaynin. Aw-Suleymaan wuxuu yaqiinsanaa in Alle uu awoodo inuu cadowgaas ka indha saabinkaro, wuxuu layimi sababti oo ahayd inuu Alle ka indho xiro cadowga isaga oo Alle weyne qur’aankiisa kaalmaysanaya, Alle na wuxuu tusay sida uu ugu dhowyahay oo marwalba macooda u yahay kuwa isaga oo qura kaalmada weydiista. Tanina waxay horseed u noqotay badbaadada Aw-Suleymaan iyo asxaabtiisi lasocotay.
3. Qisadii Roobka
Maalin maalmaha kamid ah ayuu Aw-Suleymaan seexday waqti duhur ah, goobtu waa meel tog ah, xilliga lagu jiraa waa xagaa (gu’ gadaashiis), xoolaha iyo dad kuba waa harsanayaan oo qorrax kulul ayaa jirta, baahida ugu weyn ee dad iyo duunyoba haysaa waa biyo la’aan. Aw-Suleymaan wuu riyooday kadib na waxaa la tusay dhuuxi (toggi ay joogeen) oo biyo daad ah marayaan. Aw-Suleymaan wuu kacay isaga oo kor u dhawaaqaya “War biyaha inaga saara oo xoolaha iyo dadkaba halaga saaro”.
Ma’ahan xilli roobaad, daruurina kama muuqato cirka laakiin dadka oo khayr ku bartay Aw-Suleymaan warkii ayaa dhakhso laysu gaarsiiyey, waxaana la bilaabay in degdeg xoolihii iyo dadkiiba looga saaro toggii. Xoogaa kadib haddii la jaffay xoolihii iyo dadkii oo meeshi labaneeyey, daruur ayaa timi wayna curatay, si degdeg ah ayuu daad u soomaray toggii laga baxay, Eebbe weyne sidaas ayuu ku badbaadiyey dagsiimadii, biyo-na kusiiyey.
Casharka aynu ka barankarno qisadaan:
Qisadaan cajiib ka ah waxaynu ka barankarnaa labo cashar oo waaweyn:
Awoodda-Ilaahay: Qisadani waa cibro-qaadasho aad u weyn taas oo inoo muujineysa in Ilaahay uu wax walba awoodo, sababtoo ah waxa uu Aw-Suleymaan riyo ku arkay ayuu Eebbe ka dhigay mid noqotay xaqiiq, taas oo ina tusinaysa in Alle keeni karo wax inoo muuqda iyo wax inaga qarsoon labadaba. Roob kani wuxuu waano iyo tusaale u noqday Aw-Suleymaan iyo dadkii la joogay ee deegaankaas ku noolaa, inagana wuxuu inooyahay tusaale nool oo ina tusinaya in Alle awoodo wuxuu doono oo waxkasta oo aynu u baahanno ay Eebbe gacantiisa ku jiraan.
Run-sheegnimo: Qisadu waxay ina baraysaa qofka oo dadku kheyr, wanaag, iyo run-sheegnimo ku bartaan inay dhaxalsiinayso ixtiraam iyo aaminaad. Iyada oo aan xilli roobaad ahayn ayey dadkii aamineen hadalkii digniinta ahaa ee Aw-Suleymaan. Alle weyne wuxuu ina leeyahay “Kuwa xaqa rumeeyow, Alle ka cabsada,oo kamid noqda kuwa runta sheega.”sidaas awgeed inaynu markasta runta sheegno waa astaan laga rabo dadka mu’miniinta ah, taas cagsigeeda been sheegunna waa astaan munaafaq oo ay tahay inaynu ka dhowrsanaano.
4. Qisadii Ceelka
Maalin ayaa waxaa safray Aw-Suleymaan iyo rag lasocday, dhulku waa oomane oo biyo inaad hesho aad ayey u adagtahay. Wax lasocdoba waxaa layimi meel ceel lagu ogaa. Ceelku waa dowlis (ceel biyihiisu fogyihiin oo ubaahan shay xarig dheer lagu xiro), oo wadaan ayaa lagaga cabbaa. Maadaama dowlis lawadan ceelkana cid ka cabbaysa oo dowlis haysatana aysan joogin, markaasna biyuhu ay dheeraayeen waxaa la waayey wax ceelkii lagaga cabbo.
Cabbaar haddii socoto ladhowray dowlis wadata oo ceel aroor ah waxna lala’ yahay Aw-Suleymaan wuxuu bilaabay codsi uu Alle weyne kaga codsanayo caawimaad, waxyar kadibba waxay raggii arkeen dowlis ka lalmada ceelki aad ayaa loo farxay, dowliskii ayaa lagu cabbay, lagu danaystay, kadibna waxay sii wateen safarkoodii.
Casharka aynu ka barankarno qisadaan:
Arrinta ugu weyn ee aynu ka baranayno qisadaan ceelka ee Aw-Suleymaan waa Tawakalka iyo Ducada Eebbe inay tahay wax aad u weyn oo aynu fududaysan. Aw-Suleymaan wuxuu tusaale u yahay qof aaminsan in Alle yahay kan wax kasta xalliya. Markii ay biyaha waayeen, wuxuu bilaabay duco iyo inuu Alle baryo, halkii bini’aadam badani ay niyad-jab dareemilahaayeen iyo ciirsi la’aan. Tani waxay inoo muujinaysaa muhiimadda ay leedahay ducada iyo in Alle la baryo markasta iyo markii xaalad adag lala kulmo. Eebbe waa waxkasta awoode, ee ku xirnow oo talo saarso Alle markasta, marxalad kasta iyo meel-kasta oo aad joogto.
5. Qisadii Dhimashada Aw-Suleymaan
Maadaama aynu geeri kuwada xukumanahay mid Alle ka cabsaday oo la jecelyahay iyo mid caasiyeyba, waxaa lasoo gaaray geeridii Awoowe Aw-Suleymaan; Sida ay sheegeen dadkii goob joogga u ahaa dhimashadii Aw-Suleymaan wuxuu Alle oofsaday habeen kheyr, habeenimo Isniin ah oo bari oo kale ay Carafa tahay. Wuxuu u dhintay xanuun dhanka beerka ah oo uu bilowgii mar Xamar u aaday laakiin aakhirkii uu Alle sabab uga dhigay in uu u dhinto, habeenkaas Shiikhu wuu dardaarmay, wuxuu salaadda cishe ku tukaday jiif, wuxuu codsaday in loo jeediyo qiblada, go’cad la huwiyo, shahaadada looqabto kadibna Eebbe kuma dhibin geerida oo sidaas ayuu ku dhintay.
Waagii haddii uu baryey oo dadkii ehelka iyo oodwadaagta ahaayeen ay isugu yimaadeen geeridaan culus ee shiikha si loo aasayo maxaa dhacay? Aynu xusno hal arrin oo cibro qaadasho leh oo subaxaas dhacday.
Haddii raggii bilaabeen howshii aaska Shiikha, dumarkiina loo diray xoolo qalis iyo cunto karis si tacsi ballaaran oo duco ah loogu sameeyo Shiikha oo dad badan isugu yimaadeen. Waxaa dhacday in maalinkaas xoolihii reerka (reerkii Shiikha/Aw-Suleymaan) oo saddex meesi ka koobnaa sida Soomaalidu u badantahay; riyo, ido, iyo geel awr u badnaa aysan daaq tagin maalinkaas!! iyaga oo wax xera ah aan ku jirin oo bariisti (banaanki guriga) iska fadhiya, markii qorraxdi kululaatayna arigi uu bilaabay inuu madaxa iskashado, geelina iska fadhiyo maalinkuna uu sidaas ugu dhammaaday. Arrinkaan oo wax layaableh ku noqday dhammaan dadki, dadku waxay u fahmeen in xoolahan xag rabbi wax looga sheegay oo ay tacsi samaynayaan Eebbe ayaa naga og sababta.
Casharka aynu ka barankarno qisadaan:
Casharka ugu weyn ee qisadaan 5’aad waa garowshaha inaynu geeri ku wada xukumanahay shiikh iyo shariif waxaynu nahayba, mid bulshada wax ku ool u ah iyo mid kaleba. Haddii ay sidaa tahay waxaa lagama maar-maan ah inaynu dadaalka Aakhiro badinno. Oo uu san qofku isa siin dunida oo ah ayaamo tirsan. Qofkastana uu dadaal geliyo camalka uu samaynayo inuu wanaagsanaado kahor inta aysan geeridu u imaan.
Gabo-Gabayn:
Qisooyin awoowe ee Shiikh Aw-Suleymaan ee waaridka iyo dadkii uu la noolaa soowariyeen oo aan maqlay way kabadan yihiin intaan, kuwaan oo aan u arkay kuwa ugu waaweyn waxaa u soo xulay si’ay ehelkiisa oo dunida daafaheeda maanta kala jooga, da’yar u badan, marayana facii 5’aad, inbadan oo kamid ahna aysan hayn qisooyinkaan iyo Soomaalida kale ay ugu noqoto waano, cibro-qaadasho, taariikh iyo tusaalooyin nololeed.
Sidoo kale waxaynu ka baran karnaa qisooyinkaan in Alle uu karaamo siiyo addoomihiisa cibaadada badan, Illaahay wuxuu siin karaa qofkii uu doono oo addoomihiisa wanaagsan ka mid ah burhaan dheeraad ah oo aan dadka caadiga ahi laheyn.
Qisooyinkaan Aw-Suleymaan waa kuwa xambaarsan cibro-qaadasho, xikmado nololeed, wacyigelin bulsho iyo barako diineed. Wuxuu ahaa Shiikhu shaqsi astaan u ah Alle ka cabsi, dhowr-sanaan, dulqaad, cibaado, sabir, iyo ku xidhnaanta Alle. Qisooyinkiisu si kooban waxay inoo iftiiminayaan in xumaan aan xumaan lagu guddin, in samirku uu keeno guul, in Eebbe weyne uu yahay mid mar walba kaalmo buuxda siiya kuwa xagga toosan u socda, iyo in barakada iyo ducada qofka suuban ay wax badan furi karto. Qisooyinkani waxay tusaale u yihiin in qof kasta oo ku toosa dariiqa iyo nolosha Alle ugu talo kalay bini’aadanka intay dunida ku noolyihiin uu Alle la jirkooda ahaanayo, aakhirana uu wanaag u balan qaaday, aadanahana laga rabo aaminaad, Alle ka cabsi iyo filasho wanaagsan, taasoo u horseedaysa guul adduun iyo mid aakhiro labadaba.
Eebbe weyne ha unaxariisto awoowe Aw-Suleymaan iyo dhammaan ehelkeenni aynu jeclayn ee inaga horreeyey. Inagana gadaashood inama fidneeyo.
Xigasho:
Waxaan qisooyinkaan kasoo xigtay qayb kamid ah warasadii awoowe oo ay kamid yihiin ilma Aw-Suleymaan sida Abbe Xuseen, Eeddooyin Maryam, Sahra iyo Xaliima Aw-Suleymaan.
Alle weyne ayeynu waydiisanaynaa jidka toosan.
W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)
Email: xaruur143@gmail.com