Please click this below link to open a new window and read the article. https://www.iosrjournals.org/iosr-jrme/papers/Vol-13%20Issue-5/Ser-1/D1305012936.pdf
Thursday, September 5, 2024
Factors that Affect Students’ Academic Achievement (Internationally Published Article)
Please click this below link to open a new window and read the article. https://www.scirp.org/journal/paperinformation?paperid=123410
Noloshu Waa Halgan, Sheeko Cajiib ah!
Noloshu Waa Halgan:
“Nolushu waa halgan, Nin hanyarina mahano qaado”
Maxamed waa wiil dhallinyaro ah oo ay dhaleen qoys sabool ah oo ku nool miyiga. Qoys kiisu waxay lahaayeen 50 neef oo ari ah iyo hal rati oo ay ku guuraan. Qoys ahaan waxay ka koobnaayeen shan qof (Aabbe, Hooyo, 2 wiil iyo hal gabar). waxayna kala ahaayeen Maxamed oo ah wiilka sheekadu ku saabsantahay, gabar walaashiis ah oo ah da’dii isaga hoos uga yarayd taas oo la yiraahdo Canab, wiil ka yar Canab oo isna layiraahdo Cumar iyo labadooda waalid oo la kala yiraahdo Caynab iyo Cowrala.
Maxamed sida caadiga ah wuxuu ilaalin jiray ratiga, maalin maalmaha kamid ah ayaa isaga oo soo dheelmaya ratiga, waxa u yimi Aabihiis oo markaas dhagaysanayey raadiye. raadiyaha waxaa kabaxayey barnaamij sifiican loo diyaariyey loona tabinayey kaas oo ka hadlayey ahmiyadda wax barashadu ay leedahay.
Maxamed wuxuu aad uga helay barnaamijkii wuxuuna ku fekeray siduu waxbarasho u helilahaa, inkasta oo aysan u muuqan suurogal wakhtigaas, maadaama qoyskiisu ay ahaayeen reer guuraa jees ah.
Haddii, uu Maxamed guriga yimi habeen kaas sifiican uma seexan ilayn himiladu qalbigay holcisaaye, wuxuu ka fakarayey habeenki oo dhan macquul nimada uu waxbarasho kuhelinkaro. Waxayna kuqaadatay ayaamo sidii uu qoyskiisa ugu soo bandhigi lahaa qorshaha uu doonayey taas oo ahayd in waxbarasho uu helo.
Ugu dammayntii, xilli fiid ah oo xoolihii la kala xereeyey lana cawaynayo ayuu Maxamed u sheegay qoyskiisa in uu doonayo arrin muhiim ah inuu la wadaago qoys ka, arrinkaas oo waxku ool u ah reerka, xubnihii qoyska oo dhan ayaa soo eegay Maxamed ka dibna Aabihiis ayaa yiri “oo muxuu yahay arrinkaasi bal noosheeg”!?.
Maxamed, oo ay ka muuqato dhiirranaan maadaama uu muddo asbuuc ah uu arrinkan rogrogayey oo ka fekerayey ayaa yiri, waxaan rabaa in aan waxbarto oo aan noqdo qof aqoonleh! Arrintani waxay ku noqotay layaab qoyska, Aabihii ayaa yiri xaggee wax ka baranaysaa inagu waxaynu nahay reer guuraa e!?.
Maxamed ayaa ugu warceliyey Aabihiis, Aabbe waxaan rabaa in la ii geeyo eeddo Qamar (Qamar waa walaasha ka yar oday Caynab oo tuulo deggan) si’aan iyada ula joogo waxna u barto. Intuusan oday Caynab hadlin, waxaa arrintii aad ula dhacday hooyo Cowrala oo tiri waa arrin muhiim ah arrinkan uu inala wadaagay wiilku, ee waa inaynu waxbarasho gaynaa wiilka maadaama ay labadii kale joogaan oo aysan qoys ka cidna waxbarasho helin.
Wadatashi qoys ka dhexdooda ah kadib, Maxamed waxaa loo ogolaaday waxbarashadii waxaana la geeyey tuulada. Eeddo Qamar oo loo geeyey Maxamed iyada qudheedu malahayn aqoon iyo hanti toonna, hase yeeshee maadaama ay ka reer magaalsantahay oday Cayab, waxay soo jeedisay in wiilka la geeyo dugsi Qur’aan iyo Iskuul labadaba.
Oday Caynab oo horay usoo kaxeeyey neef ari ah wuxuu u iib-geeyey neefkii suuqa xoolaha ee tuulada, kadibna, wuxuu soo iibshay kitaab Qur’aanka kariimka ah, iskujoog dharki iskuulka ah iyo hal buug oo uu ugu talogalay inuu Maxamed ku dhigto Iskuulka.
Subixii xigtayna wuxuuna geeyey wiilkiisii Maxamed dugsi iyo iskuul. Oday Caynab isla galabtaasba miyiga ayuu dib ugu carraabay. Maxamed waxay macalimiinta iyo ardaydu u sheegeen in loo baahanyahay shan buug ugu yaraan hase ahaatee arrintani way ku adkayd Maxamed waayo dhaqaale ma haysan, Aabihiisna majoogo oo wuu tagay, Edadiina wuu ka warqabay oo uma suuroobeyn inay u iibiso buugtan cusub, dhanka kale na wali lama qabsan nolasha iyo dadka tuulada midna.
Maxamed oo ahaa wiil hal abuur leh, oo caqli badan, wuxuu bilaabay in uu aado tuulada daafaheeda/ ha reeraheeda, halkaas oo ah meelaha qashin qubka u ah tuulada si uu uga soo urursado buugaag la xooray oo baalal ka banaanyihiin iyo joornaalo cadcad kadibna uu isugu tolo si uu buugaag uga samaysto. Inkasta oo buugtaan Maxamed ay sababtay inuu jeesjees iyo dacaayad joogta ah uu kala kulmo ardayda iskuulkiisa iyo dadka tuulada qayb kamid ah iyaga oo eegaya nolosha hoosaysa ee Maxamed sida buugtiisa. Waxayna u bixiyeen magacyo badan oo ay kusaleeyeen buugtiisa gacan ku samayska ah iyo hugiisa oo aan qurxoonayn. Balse Maxamed waxaas waxba kama soo qaadin jirin maadaama uu ahaa nin hiigsileh oo garanaya meesha uu usocdo. Wuxuuna noloshaas ku dhammaystay Qur’aanki iyo dugsigiisii Hoose/Dhexe.
Tuuladu malahayn dugsi sare, marka Maxamed wuxuu ka codsaday qoyskiisii in loo wareejiyo dagmada si uu uga sii wato waxbarashadiisa sare. Markaan qoyska Maxamed tabartu haku yaraato laakiin waxay aad ugu qanacsanyihiin waxbarashada wiilkooda maadaama uu si heer sare ah uga soo dhalaalay barashadi qur’aanka iyo waxbarashadi dugsigii hoose/dhexe ee tuulada.
Talo iyo raad-raadin ku aaddan ciddii loo gayn lahaa Maxamed kadib, waxaa lahelay Islaan la yiraahdo Ceebla, oo ay saaxiibo dhow yihiin Qamar (Maxamed Eeddadii) maamadaas oo daggan dagmada uu kuyaalo dugsiga sare ee loo wareejinayo Maxammed.
Maama Ceebla’ waxaa loo bandhigay arrintii wiilka, nasiib wanaag-na way aqbashay soojeedintii. waxayna balanqaaday cunnada iyo jiifka Maxamed. Hase yeeshee, wali waxa taagnayd lacagtii iskuulka iyo qarashaadkii kale sida buugtii oo oday Caynab wali laga sugayo.
Oday Caynab oo u muuqda markaan inuu fahmay ahmiyadda waxbarashadda maadaama uu arkay isbeddelka uu sameynayo wiilkiisa Maxamed, wuxuu iibgeyn jiray caanaha iyo wixii kale ee xoolihiisa uu ka helo si uu uga bixiyo lacagta iskuulka wiilkiisa Maxamed, sidii ayuu Maxamed ku bilaabay dugsigii sare oo qaadanaya muddo afar sanno ah.
Dhanka kale maama Ceebla’ oo ahayd qof aad u wanaagsan misna uu qabay oday Diirshe oo ahaa ganacsade ayaa siin jirtay Maxamed lacag u dhiganta hal doolar ($1) Jimce kasta. Si uu uga dhigto shaah-shaah maadaama uu san haysan wax dhaafsiisan cuntada guriga.
Hase yeeshee, Maxamed oo ahaa wiil leh han sare uma muuqan nusa-saace iyo waxaas inuu lacag kubixiyo oo wuxuuba aad ula dhacsanaa abaal weyna ugu hayey qoyska uu la joogo inuu haysto meel uu seexdo iyo cunto saddexda wakhti ah oo bilaash ah. Taasina waxay keentay in Maxamed uu kaydsado lacagtaas yar ee maama Ceebla’ u siisay nusa-saacaha taas oo sababtay labo sano kadib markuu u gudbayey fasalka 3’aad ee dugsiga sare, lacagtiina ay u gaartay boqol doolar ($100). In uu kufurto kabar yar oo horyiiley dugsi Hoose/Dhexe kaas oo u dhowaa xaafaddii uu kunoola Maxamed.
Maxamed wuxuu aadin jiray iskuulkiisa subixi, galinka dambena wuxuu iibsan jiray kabarkiisa oo uu ardayda iskuulka dhigta ka iibinjiray Jalaatada, qalinmaanta, bayaadka, buugta, macmacaanada iyo waxyaabaha kale ee ay ardayda iskuulku ubaahanyihiin. Habeenkiina wuxuu diyaarsan jiray casharadiisa uu soodhigtay galinka hore.
Maxamed wuxuu ahaa shaqsi aad u deggan, furfuran, hal abuur badan, hanleh oo ay jeclaayeen dhammaan macmiishiisu. Taasina waxay keentay in sanad kadib uu kabarkii u badalo dukaan xaafadeed laga helo intii kabarka laga helinjiray iyo dhaammaanba adeegyada dukaamada xaafaduhu bixiyaan.
Markii, uu u gudbayey fasalka ugu dammeeya ee dugsiga sare, xilligii fasaxa Maxamed wuxuu aaday reerkoodii wuxuuna horay usiiqaaday adeeg dhammaystiran iyo xoogaa lacag ah oo uu kashaqeeyey dukaanka si uu uga soo ducaysto waalidkiis.
Runtiina waxay waalidka Maxamed ku ahayd lama filaan!, oo mayba filayn in wiilkoodi heerkan gaaray. waxaa intaas u dheeraa Maxamed qorshe kale oo ah inuu soo kaxeeyo walaashiis Canab si uu u geeyo dugsi lagu barto farsamada gacanta iyo qurxinta haweenka oo ku yiilay degmada uu ku noolyahay Maxamed.
Maadaama qoysku u arkayeey Maxamed nin howlkar ah oo leh hansare way usuuragashay Maxamed qorshihiisii ahaa inuu walaashiis kasoo kaxeeyo miyiga waxna baro. Canab iyo Maxamed waxay yimaadeen degmadii. Canab waxa la geeyey iskuulkii farsamada gacanta iyo qurxinta haweenka, subixiina waxay iibisaa dugaanka inta Maxamed uu jiro iskuulka galabtiina waxay aaddaa waxbarashadeeda, oo dukaanka waxaa la wareega oo iibiya Maxamed.
Maxamed wuxuu yeeshay saaxiibo badan oo iskugu jira saaxiibada waxbarashada iyo kuwo kaleba. In badan oo kamid ah saaxiibada Maxamed ayaa usoo jeediyey inuu ku tahriibo lacagta yar ee uu haysto maadaama uu yahay wiil dadaal badan si uu noloshan mid ka wacan uga abuurto Yurub iyo meelo kale oo kabaxsan dalka. Hase yeeshee, u maysan muuqan waxaasi Maxamed oo wuxuu u arkayey talooyinkaas kuwo uun iska dhalanteed ah, wuxuuna laba jibaaray dadaalkiisi waxbarshada si uu fasalka Afraad kaalin fiican uga galo.
Nasiib wanaag, Maxamed oo ahaa shaqsi dadaal badan galiya waxbarashadiisa, Alle kuxiran, haddana baarri u ah waalidkiis, waxa urumowday riyadiisi iyo ducadii waalidkii oo waxa uu galay kaalinta koowaad ee iskuulkiisa iyo deegaankiisa guud ahaan.
Taasi waxay keentay, in Maxamed uu deeq waxbarasho ka helo mid kamida Jaamacadaha deegaankiisa halkaas oo uu kabilaaban waxbarashada sare ee Jaamacadda oo uu kudhiganayo si bilaash ah. Dhanka kale Maxamed wuxuu aad ugu fiicnaa dhanka hal abuurka iyo dhaqaalaha wuxuuna codsi shaqo u gaystay shirkad ganacsi oo caan ah taas oo ka howlgasha deegaankiisa, isaga oo ka noqday madaxa wax soosaarka shirkada.
Maxamed waxa lagu shaqaaleeyey lacag dhan kun iyo shan boqol oo doolar ($1,500) bilowgiiba, taasi waxay u sahashay muddo yar kudaheed in uu qoyskiisii u samyeeyo beer weyn oo uu u beddalo qoyskiisii xoola dhaqato beeralay ah.
Maxamed qoyskiisu hadda waa ganacsadada ugu caansan dhanka wax soosaarka beeraha ee deegaankooda, walaashiis Canab iyada ayaa lawareegtay dukaankii oo iibisa, waxayna ku haminaysaa inay furato wakhti dhow meel lagu iibiyo dharka haweenka sidoo kalena leh qayb qurxinta haweenka ah oo ay iyadu khaas u leedahay.
Maxamed, oo iminka jaamacadda kasiibaxaya, waxa uu kudhigtaa jamacada lacagla’aan, wuxuu qaataa mushahar fiican. Dhanka kale, waxa loo wadaa in laga dhigo Maamulaha Guud ee shirkada waayo aad ayaa looga helay aqoontiisa, hal abuurkiisa, dulqaadka iyo shaqa wanaaggiisa.
Hadda, Maxamed wuxuu kuhamminayaa dhowr waxyaabood oo kala ah:
1. In uu samaysto ganacsi weyn oo isaga gaar u ah.
2. In uu guursado.
3. In uu waalidkiis geeyo xajka.
4. In uu asaaso iskuul lacagla’aan ah oo ay waxku bartaan dadka danyarta ahi.
Halku dhiga Sheekada “Nolushu waa halgan, Nin hanyarina mahano qaado”
W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)
Email: Xaruur143@gmail.com
SAAMAYNTA XUN EE BARAHA BULSHADA
SAAMAYNTA XUN EE BARAHA BULSHADA
“Habka Aan-Wanaagsanayn Ee Bulshada Soomaalidu u Isticmaasho Baraha Bulshada”!
Hordhac
Qormadaan waxaynu ku eegaynaa qaabka aan wanaagsanayn ee bulshadeenna Soomaaliyeed u isticmaasho Baraha Bulshada, iyo waxyaabaha aynu ka dhaxlayno haddii aynu sidaan u sii adeegsanno. Sidookale, waxay qormadani bidhaamin doontaa sida saxda ah ee ay tahay inaynu u adeegsanno shabakadahaan saamaynta labada dhinac ah leh.
Shabakadaha ay bulshadu ku wada xiriirto ee loo yaqaan Baraha Bulshada (Social Media) sida Facebook, WhatsApp, TikTok, Twitter, Instagram, Snapchat iwm, ayaa markii hore loo asaasay inay bulshadu ku wada xiriirto oo ay ku wadaagto wararka, fikradaha, farxadaha iyo macluumaad ka kale ee muhiimka u ah sida xayeysiimaha ganacsiga, hal abuurka iwm. Balse nasiib darro bulshadeenna Soomaaliyeed inta ugu badani ugama faa’iidaysato barahan asbaabahaas aynu kor ku xusnay.
Inta ugu badan bulshadeenna oo aan helin fursad fiican oo waxbarasho taasoo beddesha hab fikirkooda, dhanka kale-na ah bulsho firaaqoodu aad u badantahay sababo laxiriira shaqa la’aanta baahsan ee dalka kajirta oo lagu daray inaynu nahay bulsho iscaawisa oo laga yaabo qofku isaga oo aan shaqayn inuu si fudud ku heli karo moobil weyn iyo lacagti uu khadka ku isticmaalilahaa ayaa ah sababaha keenaya isticmaalka xad dhaafka ah ee aan haddana wanaagsanayn ee baraha bulshada.
Waayadaan dambe, baraha bulshada ee Soomaalidu waxay noqdeen meelaha ugu waaweyn ee lagala dagaalamo bulshada dhaqankeeda, diinteeda, Afkeeda, xasiloonida siyaasadda wadanka, wada noolaashada iyo xittaa habfikirka bulshada ee wanaagsan. Meelaha saamaynta taban (xun) ay barasha bulshadu inaga ga yeesheen waxaa ka mid ah:
1. Diinta iyo Dhaqanka
Dhaqanku waa habka bulsho meel deggani u nooshahay sida habka labiska dharka, guurka, cuntada, doorka qofka ee bulshda dhexdeeda, ixtiraamka iyo anshaxa bulshada. Qaabka aynu u adeegsanno Baraha Bulshada si gaar ah qaabka ay u isticmaalaan in badan oo ka mid ah dhalinyaradu waxay inta badan kasoo horjeeddaa dhaqankeenna suuban iyo diinteenna islaamka.
Waxaa jira baryahaan dambe dad shakhsiyaad iyo kooxaba isugu jira oo aad is oranayso waxay u abaabulanyihiin la dagaalanka bulshadaan diinteeda iyo dhaqankeeda, dadkaasi ama Soomaali diinta kabaxday ha ahaadaan oo qolyo kale ay dabada ka riixayaan, ama aqoon la’aantu ha marin habaabiso ama qolyo kale oo ujeeddoonyin fog-fog leh haka dameeyaane, waxay caqabad weyn ku yihiin diinta, dhaqanka iyo anshaxa bulshada Soomaaliyeed. Tusaale, dhaqankeennu waa mid dhowr soon bulshaduna darajooyin iyo doorar kala leeyihiin, laakiin baraha bulshada ee maanta sida TikTok ama Facebook waxaa macquul ah inaad aragto rag iyo haween ka sheekaynaya arrimo la xiriira gogosha, mararka qaar waxaa macquula inaad aragto gabar ka sheekaynaysa wixii dhexmaray iyada iyo saygeeda. Runtii waa arrimo layaab leh oo ceeb iyo anshax xumo weyn ah, ahna dhaqan burbur bulsho oo sii kordhaya qaybna ay katahay si xun u addeegsiga baraha bulshadu.
Haddii aad sii eegtid waxyaabaha ka dhalan kara in baraha bulshada la keeno waxkasta oo awal bulshada dhexdeeda ceeb ka ahaa sida furiin ka, khilaafyada qoysaska, mararka qaarna muuqaalada anshax xumada ah ee dadka Alle cabsidiisa ka fogaaday ay samaynayaan, waxaa dhacaysa ugu damaynta in waxyaabaha noocaas ah dadku u arkaan wax iska caadi ah oo aan ceeb ahayn.
Dhanka kale, waagi hore Soomaalida meelahaas baa looqaadi jiray ka dibna waxay qaarkood imaan jireen dalka iyaga oo dhaqankii ama diintii ka yara leexday markaas waxaynu ugu yeeri jirnay “Dhaqancelis” maadaama uu dhaqankii asalka uu ulahaa uu dhumiyey. Baryahaan dambe waxaad arkaysaa dhallinyaro aan waddanka kabixin lakiin u dhaqmaya qaab ka xun qaabki ay udhaqmayeen kuwii dibadaha dhaqanku kaga soo dhumay. Dhanka labiska, tin jarashada, ficilada xunxun ee ay samaynayaa ama xittaa erayada iyo qaabka ay u hadlayaan.
Dhammaan diin iyo dhaqan doorsoon kan ku dhacaya bulshadeenna waxaa qayb weyn ka ah mowjadaha dhaqan rogga ah ee ka socda baraha bulshada.
Xalku waa maxay?
o Dhallinyarta:
Waa inaynu ogaanno in horumarka iyo dib u dhaca ummad walba ay horseed uhiyiin dhalintu sababtu waxa weeye dhallintu:
· Waa dadka ugu badan bulshada, Soomaaliya in kabadan 70% dadkeedu waa dhalin yaro kayar da’da 30 jirka.
· Waxay hayaan tamar/xoog furan iyo waqti firaaqo ah oo dadka dhexe iyo kuwa waaweyn aysan haysan.
· Waxay in tooda badani leeyihiin aqoon heerkay rabtoba ha ahaatee (wax badan ayey gudbin karaan).
· Waxay aad ugu xiranyihiin baraha bulshada iyo waxyaabaha ka dhacaya dunida.
Haddaba, dhalinta waxaa waajib ku ah inay noqdaan kuwo u horseeda ummaddooda horumar iyo baraare iyaga oo kafaa’iidaysanaya fursadaha ay haystaan. Waxaa la gudboon inay ka feejignaadaan oo la dagaalamaan mowjadaha dhaqan-dooriska ah ee bulshadeenna kaga socda baraha bulshada.
Dhallintu waa inay ogaadaan in ilaalinta diinteenna iyo dhaqankeenna suubban uu san kaliya xil ka saarnayn culimada iyo dadka waaweyn oo qura lakiin qof walba yar iyo weyn, culimmo iyo caamo ay diinta iyo dhaqanka mas’uuliyad kasaarantahay ma ahan in wadaad iyo oday dhaqameed kaliya loo xagliyo mas’uuliyadda dhaqanka iyo diinta.
Dhanka kale, habluhu waxay kasaamayn badanyihiin ragga markii laga hadlayo dhaqanka. haddaba, sikhaas ah gabdhuhu waa in ay u ilaashadaan sharaftooda, sawiradooda, muuqaaladooda iyo xogahooda khaaska ah. waa in aysan ku aaminin cidkale. waa in ay garowsadaan wax sir layiraahdo maanta in aysan jirin oo aynu kunool nahay duni ixtiraamka iyo amaanadu kasii tabar go’ayso.
2. Af-ka(Luuqadda):-
Baraha Bulshada iyo isbedbaddelka tiknoolajiyaddu waxay saamayn ba’an kuhayaan Afafka ummadaha soo koraya ee afaf-koodu aysan saamaynta weyn kulahayn dunida. Qolyaha qaabilsan afafka iyo dhaqanka waxay afkeenna ku tiriyaan afafka siidabar go’aya. Marka laga yimaado doorki dowladda ee ilaalinta afka iyo dhaqanka oo meesha ka maqan amaba aan sifiican u shaqaynayn, waayadaan dambe waxaa qayb weyn kaqaadanaya tabar go’a afka hab dhaqanka bulshada khaas ahaan dhallinta oo aan wax hiil, ama ixtiraam ah aan u muujinayn afkooda hooyo. Baraha bulshada ayaa ah meelaha ugu balaaran oo uu ka socdo la dagaalan ka afku.
Tusaale, waxaad baryahaan arkaysaa xarfo aan kujirin qoraalka xarfaha Af-soomaaliga oo loo isticmaalayo Baraha bulshada sida Z,P,V (Zaaxiib, Capdi, Varsamo) iwm. Sidookale, waa macquul ayaantan inaad aragto ama maqashid erayo badan oo cusub, ku waas oo aan ku habboonayn afkeenna ama xarfo adeegsigoodi laysku beddelay sida H iyo W. Habeen dambe, Haween dambe iwm. Markii laga yimaado xarfahaas labeddelay waxaa intaas dheer in dhallintu intooda badan markay waxsoo dhigayaan baraha bulshada ay adeegsadaan afka Ingriiska “English” oo haatan ah af saamayn xooggan ku leh waddanka dadkuna u arkaan shuruud lagarabo qofwalba oo waxbartay ama reer magaal ah.
Waxaad arkay saa qof mas’uul Soomaliyeed ah oo lahadlaya dad Soomaali ah, suuragal in dadkaasi ay yihiin dad waayeel ah ama aan waxbaran laakiin wuxuu kulahadlayaa Af-Ingiriis.
Waa suuragal sidaas oo kale, in shir ama madal ay dad badan oo Soomaaliyeed ka qayb galayaan ama daawanayaan in uu yimaado hal qof oo ajnabi ah, ka dibna madaxdi ugu sarraysay madashaas ay af qalaad sida Ingiriis ay kujeediyaan warkooda. Dabcan, sida saxda ah waxay ahayd in qofkaas ajnabiga ah hal-qof oo shirka waxa kasocda u turjuma in loo sameeyo oo madaxdu afkooda ku hadlaan.
Dhanka kale, waxbaa dhacaya sida qaraxyo oo kale, midbaa baraha bulshada kusoo qoraya Breaking news“ two huge explosions just heard in x-town Somalia” oo uu ula jeedo laba qarax oo waaweyn baa ka dhacay magaalo heblo, Soomaaliya. Su’aashu waxa weeye, yaad u sheegaysaa warkaan? Miyaadan ogayn inaad sumcad xumo ka gudbinayso dalkaaga oo ay macquul tahay kumanaan dad ah oo aan waddankaaga u dhalan ama jeclayn horumarkiisa inuu warkaagu gaari karo maadaama maanta dunidu aad isugu xirantahay. Haddaad rabto inaad ogaysiiso qaraabadaada ama asxaabtaada oo halkaas wax kadhaceen kadhow ugu sheeg afkooda.
Dunida waxyaabaha kadhaca maalin kasta haddii lagaaga sheekeeyo ma malayn karaysid laakiin mamaqasho waxyaabaha kadhaca intooda badan halka wax yar hadday waddankeenna kadhacaan qof walba uu ogaado, waxaynu nahay dad aan waxba u qarsoonayn oo aan sir waddan lahayn. Waatii uu lahaa Abwaankeennii waynaa Jaamac Kadiye (AHU)“…Sawaxiligaa u dhow, Sanaawi (Abiy) dalkuu xukumo, Sudaan iyo Liibiyiyo, Simbabwi iyo Muusabiig, Saabiya iyo Kini-bisow ama Saxaraha galbeed, Sentaraal Afrikaanka iyo waliba suud nimanka xiga, Sanciyo Soonaha Cumaan, Masaarida reer Suways, Sucuudiga Xaramku yahay, Saldanaddii reer Kuweyd….Intuu sanku neefle yahay sirteennii bay wadayahaan, ceebteennii baa suuqa waran. Dadkeennii baa siiladaha sanuud lagu baayacaa”!!!!
Waa maxay xalku?
o Ilaalinta Af-keenna Hooyo: Ilaalinta afkeenna hooyo waa mas’uuliyad ina saaran dhammaanteen dowlad iyo shacabba. Haddii qofkasta oo inaga mid ahi uu hubiyo waxa uu marinayo baraha bulshada qoraal iyo hadalba in ay yihiin af-soomaali sax ah waxay ka dhigantahay inaynu wada ilaalinayno afkeenna hooyo si wadajir ah.
o Horumarkeenna:Haddii aad kahadlayso wax wanaag iyo horumar ah sida xarun bulsho oo ladhisay, waxbarasho, maamul wanaag lasameeyey, iskaashi bulsho oo miro dhalay iwm, dhib malahan mararka qaar inaad kuqorto Af-qalaad sababtuna waxa weeye, waxaynu nahay waddan ama bulsho inbadan ka maqnaa oo aan sifiican ugu luglahayn horumarada adduunyada kadhacayey markaas waxaynu u baahannahay inaynu baddelno fikradihii xumaa ee caalamka kale inaga haystay inaga oo kulahadlayna luqadahooda.
o Iinteenna: waxa wax laga fiicanyahay ah in aynu dhibaatooyinka dhexdeena ah iyo ceebaheenna ku baahinno baraha bulshada anaga oo adeegsanayna Afaf-qalaad. sida khilaafaadka inaga dhexeeya, dadkeenna aan wanaagsanayn habdhaqankooda, dhibaatooyinka aynu inagu isugaysanno iyo wixii lahalmaala. Waxyaabaha ka dhaca dunida aad ayey uga badanyihiin waxyaabaha ka dhaca dalkeenna laakiin waxaa lagayaabaa inaadan maqlin. Marka aad ayey muhiim utahay inaynu wada fahamno inay jiraan wax ay tahay inaan baahinno iyo wax yaabo aytahay inaadan ku baahin baraha bulshada.
o Luuqada Ingiriiska: Dad badan oo dhalliyaro iyo dad waaweynba isugu jira ayaa si qaldan u fahmay iyo inay xaddaarad tahay ku hadalka luqadaha qalaad sida Ingiriiska oo kale. Haddii qofku aad u adeegsado luuqadda Ingiriiska sida markuu wax ku qorayo baraha bulshada taas macnaheedu ma ahan in uu qofkaasi yahay aqoonyahan. Inkasta oo arrintaan afafka qalaad iyo isku milan ka luuqaduhu ubaahantahay siyaasad dowladeed haddana, waxaa muhiim ah inaynu wada garowsanno in afafka qalaadi yihiin xirfad aytahay inaynu barano laakiinse aynu ilaawin goormaan adeegsanayaa xalkeese u isticmaalayaa.
3. Xasilloonidarrada siyaasadda:-
Baraha Bulshadu waa meelaha ugu waaweyn ee lagusoo bandhigo aragtida bulshada “dareenka dadka” waxayna saamayn weyn kuleeyihiin siyaasadaha waddan walba. Waana meelaha haatan madaxdu ka eegaan sida loo arko go’aamada ay gaareen.
Waa wax aad u fiican in muwaadinku kahadlin karo dareenkiisa iyo kan bulshadiisa isaga oo wixii fiican ee dowladdiisu qabatay sheegaya si lamid ah taasna wixii qalad ah oo dowladdu sameyso uu ku dhaliilin karo isaga oo dowladda saxaya.
Waddamada soo koraya maadaama dhibaatooyin waaweyni haystaan sida kala qaybsanaan bulsho, qoomiyado ama qabaa’il, shaqo la’aan, maamul xumo, amni darro, faragalin shisheeye iwm. Waxay aad ugu nugul yihiin wax kasta oo damqaya boogahaan. Sidaa owgeed, waxaa dhacda bulshadeenna inay dad mararka qaar sameeyaan sheekooyin aan jirin ama waxyar oo dhacay in la buunbuuniyo oo xad keedi ladhaafiyo iyada oo laga faa’iidaysanayo baraha bulshada iyo bulshadeenna oo caadifaddu qanjaha joogto oo aan isweydiinaynba maxaa runka ah warkaan aad maqashay maxaase been ka ah.
Tani waxay marar badan ina dhaxalsiisaa xasillooni darro bulsho, iyo in dadku cadaawad iyo nacayb isu qaadaan oo ay kala aamin baxaan. Nasiib xumada intaas dheeri waxa weeye, baraheena bulshada say u badan yihiin dadka ugu taageerada badani waa dad aan waxba baran diin iyo maaddi toona, taasi waxay keentay in aysan waxba xeerin markay dadka la hadlayaan diin, dhaqan, wadajir bulsho, sax iyo qalad midna.
Dhanka kale, dalkeenna markii dowladda lagu kacsan yahay baraha bulshadu waa aaladaha ugu waaweyn ee loo isticmaalo dhaliilaha wax burburinaya,bulshada kicinaya, ee abuuraya xasillooni darrada siyaasadeed ee dalka, maadaaba aysan dowladdu saamayn iyo faaf reeb kulahayn baraha bulshada.
In dowladda la mucaarado waa wax fiican oo xigmad ayaa oranaysa “Hoggaamiyuhu marka uu ku shaqaynayo meel uu aad uga helayo oo wax caqabad ahi ka hor imaanayn waxay ubadantahay inuusan waxqabad fiican la imaan laakiin wuxuu hoggaamiyuhu qabtaa waxyaabo aan caadi ahayn “aad u waaweyn” markuu ku shaqaynaayo meel ay jiraan caqabo kahor imanaaya”. Haddaynu rabno inaynu wax mucaaradno waxaa muhiima inaynu barano qaabka saxda ah ee wax loo mucaarado, ma’ahan inaynu xasrad, colaad, burbur iyo isku dhacyo bulsho ka shaqayno. waa inaynu akhrinnaa buugta aadka u faraha badan ee kahadlaysa hoggaaminta iyo qaab ka loola dhaqmo aragtiyaha kuwaaga ka duwan. Inaynu dad madax inoo ah maalin walba cayno, sawiradooda jarjarno, magacyo qaldan ugu yeerno iyaga ama dowladda ay hoggaamiyaan, taasi waa aqoon darro ina haysa ee ma’ahan mucaaradnimo.
Waa maxay xalku?
Ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay baraha bulshda dowladdooda aysan ka caayin laakiin ay u adeegsadaan shabakadaha bulshada inay ku muujiyaan wanaaggooda, sharaftooda, isku duubnidooda iyo horumarka dalkooda. Waa in aynaan u adeegsan baraha bulshada meelo dowladda iyo dadka laga caayo oo xasrado, iskudir, iyo cadaawad loogu gudbiyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Haddii aynu baraha bulshada kadhaliilayno dowladdeena iyo cidda markaas xukunka inoo haysa waa in aynu uga hadalno qaab hufan oo cilmiyeysan.
4. Hab Nololeedka Qofka:-
Inkasta oo ay muhiim inoo yihiin baraha bulshadu oo aynu ku kala warqaadano, kulaqaadano waqti asxaabteenna ku kala nool daafaha dunida, haddana cilmi baarisyo kala duwan ayaa sheegaya in baraha bulshada oo loo isticmaalo si xad dhaaf ah ay saamayno taban oo kala duwan ku leeyihiin hab nololeedka qofka sida:
o Garashada-qofka: Waddan-mada soo koraya oo aynu kamid nahay shaqala’aanta oo aad usarreysa, nidaamkooda waxbarasho oo aad u jilicsan iyo bulshadooda oo aan aad ugu badnayn dhanka wax akhriska owgeed dadku waxay waqti badan galiyaan oo isku mashquulliyaan baraha bulsha oo ah meel inta badan aysan ku badnayn ama lasoo dhigin waxyaabo qofka u keenaya inuu maskaxdiisa kashaqaysiiyo oo uu fakaro. Tan oo keenaysa inuu qofka ku yaraado hal abuurku maadaama uu yahay mar uu kujiro baraha bulshada iyo mar uu ka welwelayo inay dhaafaan waxyaabo muhiim ah oo lasoo dhigayo baraha bulshada.
Cilmi-baarayaasha waxka qora baraha bulshadu waxay aaminsan yihiin in maadaama baraha bulshadu ay ku tartamayaan soo jiidashada dareenka dadka, iyo ballanqaadka waxyaabo cusub oo isdaba-joog ah, in isticmaalayaasha joogtada ah ee baraha bulshadu ay noqon karaan kuwo guud ahaan mashquul san markasta, taas oo horseedaysa in waxqabadka, firfircoonida iyo garashada qofku noqoto mid hoosaysa.
Waxa macquul ah inaad aragto asxaabtaada baraha bulshada oo aad uga hadlaya qof labiskiis, qaabka uu wax u cuno, u hadlo, u aroostay iwm. waxa macquul ah inaad isweydiiso maxaa micno-kujira, tani waa wax ku tusinaya camal-la’aanta iyo garasho xumo aad u hoosaysa.
o Caafimaadka-Qofka: Isticmaalka xad dhaafka ah ee baraha bulshada wuxuu saamayn xun kuleeyahay caafimaadka qofka. Waxaa jira xiriir xooggan oo ka dhexeeya baraha bulshada oo xad dhaaf loo isticmaalo iyo khatarta sii kordhaya ee caafimaadka shakhsiga tusaale, qofka oo adeegsada baraha bulshada waqti badan waxay u horseedaysaa hurdo la’aan, murqo, indho iyo madax xanuun soo noqnoqda, niyad-jab, isku-buuq, walaac, iyo kalinimo qofku ka go’ayo xiirkii tooska ahaa ee uu lalahaa xubnaha qoyska iyo asxaabta taas oo qofka galin karta dareen farxad la’aan ah.
o Waxbarashada Qofka: Adeegsiga badan ee baraha bulshadu wuxuu saamayn xun ku leeyahay waxbarashada ardayda, moobil lada casriga ah iyo interneetku waa waxyaabo ay ka muuqato saamayntooda aan wanaagsanayni goobaha waxbarashada dalka iskuul iyo jaamacado ba. In badan oo ka mid ah ardaydeennu u ma isticmaalaan tiknoolajidda casriga ah dhanka fiican, laakiin maadaama ay bulshada ka mid yihiin iyaguna waqti badan waxay galiyaan daawashada wararka iyo sheekooyinka macna darrada ah ee bulshada Soomaaliyeed isla dhex wareegayaan. Tani waxay u horseeddaa ardayda inaysan si fiican u diyaarin layliyada, imtixaanka iyo waxyaabaha la xiriira dhisidda tayada shakhsiyadooda ee dhanka aqoonta, tan oo arday badan ka dhigta kuwo ku liita waxbarashada.
Waa maxay xalku?
² Waxaa muhiim ah in aynu ka fakarno waxa aynu bulshada lawadaagayno si hadaysan wanaag inoo lahayn aynu iska dhaafno.
² Ilaalinta badqabka qofka maskax, bulsho iyo jir ahaanba, waa arrin mudan in qof walbaa ku baraarugsan yahay. Qofku hayaraado ama haweynaado waa inuu ka fogaadaa wixii garashadiisa, caafimaadkiisa iyo bulshadiisa wax u dhimaya.
² Waa muhiim inaynu helno waxyaabo maddadaalo, ama nashaadaad ah laakiin waa in aysan ahayn kuwo wax u dhimaya diinteenna, dhaqankeenna iyo garashadeenna.
² Waa in bulshadu yar iyo weyn ba meel uga soo wada jeesaddo wax kasta oo xun oo ka socda baraha bulshada kuwaas oo dhiirri galinaya diinla’aan, xishood xumo, isku dirka bulshadeenna, nacaybka, burburka qoysaskeenna, iyo ummad-nimadeenna.
Gaba Gabo:
Dhammaan bulshada Soomaaliyeed si gaar ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku taxan Baraha Bulshada waa in ay noqdaan dhallin-yaro maskax furan, mas’uuliyad weyn na iska saara diintooda, dhaqankooda, af-kooda, dadnimadooda iyo badqab kooda. Waa in aysan inoo noqon Baraha Bulshadu meel laynagu mashquulliyo oo aynu ku seegno Aduunkeena iyo Aakhiradeena.
Ugu dammayntii, waxaan kusoo khatimayaa qoraalkayga xadiiskii Rasuulkeenna “SCW” ee ahaa “Qofkii Rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro Khayr Haku Haldo ama Hayska Aamuso”.
W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)
DHIBAATOOYINKA QAADKA EE BULSHADA
Qaadku wuxuu dhibaato fara badan u gaystaa bulshada, dhan caafimaad, dhaqaale, dhaqan, cibaado, qoys, iyo dhan nadaafadeedba. Ummadda Soom...

-
Isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iyo booska shaqada ee Soomaaliya! Hordhac Isku-dheelitirnaan la'aanta aqoonta qofka iy...
-
Qaadku wuxuu dhibaato fara badan u gaystaa bulshada, dhan caafimaad, dhaqaale, dhaqan, cibaado, qoys, iyo dhan nadaafadeedba. Ummadda Soom...
-
Maxay Cilmi-Baa r istu Muhiim Ugu Tahay Arday g a Heerka Koowaad Ee Jaamacadda? Cilmi-baa r istu waa hab-raac habaysan taas oo baa r itaan ...