Thursday, January 18, 2018

Rajada iyo Dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Maxay Dowladuhu uga Faa’iidaysan waayeen?














Rajada iyo Dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Maxay Dowladuhu uga Faa’iidaysan waayeen?

Dhalinyaranimadu waa waqti cajiib ah oo qofka waayihiisa nololeed soomara. Waa waqti qofku u aayo ama kashalaayo hadba waxay kuxirantahay qaabka, sida iyo waxa uu qofkaasi u isticmaalay waqtigaan layaabka leh ee halmar soomara noloshiisa oo aan dib ugu soo noqon.
Qofku marka uu kujiro waqtiga Dhalinyaranimada wuxuu haystaa labo shay oo ay aad u adagtahay inuu dib uhelo marka uu weynaado waa “Awoodda” iyo “Firaaqada” waana waqti ay mudantahay inlooga faa’iideysto waxyaabo badan oo ay uguhoreyso cibaadadu.
Dhalinyaradu waa tirada dadka ugudan ee kunool wadamada soo koraya. Soomaliya waxaa lagu tilmaamaa 70%(Boqolkiiba Totobaantan) tiro kor udhaafaysa inay dhalinyaro tahay, qiyaastani waxay si weyn uga muuqataa meelaha bulshadu isku arkaan sida Suuqyada, Masaajidda, Baabuurta dadweynaha iwm.
Markaa aqrido taariikhaha wanaagsan ee bulshooyinka caalamka sida tan doonnida xoriyadda, ladirirka gumaytayaasha, isdhexgalka iyo midnimadda bulshada, waxbarashada, dhismaha iyo bilicda wadamada iyo wixii lamid ah waxaa hormuud u ah dhalinyarada. Taas cagsigeeda taariikhaha xun ee bulshooyinka  sidookale waxaa ugu horeeya dhalinta sida colaadaha qabiilada iyo kooxaha, burcadnimada birriga iyo badaha, tuuganimada, kufsiga, tahriibta, isticmaalka maandooriyaha, faafista cudurada faafa, dib usocodka iyo aragti gaabnida bulshooyinka.
Inay dhalintu dhanka wanaagsan wax ubadalaan oo ay noqdaan kuwo mujtamacooda u horseeda baraare iyo barwaaqo waxay u baahantahay inay dhalinyaradu waxbartaan oo ay badalaan hab fikirkooda katibna aysaamayn wanagsan kuyeeshaan hab fikirka bulshada madaama waxwalba ay kabilowdaan fikir.
2013-kii ayaan maalin weydiiyey arday aan waxbarasho wadaag ahayn oo udhashay wadanka Rwanda “Ruwaandha” inuu ila wadaago taariikhdii xasuuqii wadankiisa 1994 siduu udhacay iyo sida ay uxaliyeen. Wuxuu iisheegay inay jecelyihiin inlawaydiiyo siday ugagudbeen dhibkaas lakiin aan laweydiin wixii dhacay. Waxaan warsaday sababta wuxuuna igu yiri waxaan rabnaa dhalinta iyo guud ahaanba dadka reer wadankayagu inaysan codow isu arag si habfikirkeena u badalno horayna ugu soconno taariikhdii madoobayd ayaan saas ujecelnahy. Runtii aadbaan ugahelay jawaabtiisa. wadankan yar ee Rwanda ayaa hadda u ah hormuud maamul wanaaga dowladaha Afrika.  Waxaa cad inaan dalna uusan horumar gaari Karin haddaan dadkiisu horumarka hormuud aysan u ahayn.
Somaliya waxaa si’xoogan usoo shaacbaxday sanadahaan dambe waliba sikhaas ah wixii kadan meeyay Febraayo,8-2017 doorashadii lagu tilmaamay rajada Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo aad sixowli ah kubiloowday dhamaan gobolada Somaaliya dhalintaan oo qabtay waxyaabo badan oo aad loogu riyaaqay qayb weyna kaqaatay bilicda magaalooyinka wadanka in tooda badan.
Waxqabadka dhaqdhaqaaqaan dhalintu bilowday waxyaabaha aan kaxusin karo waxaa kamid ah:
1.      Rajiyeyn meelaha ishu qabanayso ee magaalooyinka
      2.    Nadiifinta meelo badan oo qashin/xashiish  yiilay
      3.    Wacyigalin bulsho sida dhanka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Siyaasada
      4.     Beeris Dhir wadooyinka qaar
      5.    Ukaal maynta dadka tabaalaysan ama ubaahan caawinaada degdeg ah
     6.    Soo dhoweyntii layaabka lahayd ee madaxweynaha DFS ee gobolada wadanka uu kumarayey iyo waxyaabo kale oo wanaagsan.
Hadaba haddii ay dhalinyaradu yihiin awooda ugu weyn ee dunida kajirta ama lafdhabarta isbadalka mujtamacyadda tusaale wanaagsanna inootahay taariikhda dhalinyarada Soomaaliyeed sida xiliyadii xoriyadda iyo kuwa caalamka inagu xeeran.
Maxay Dowladuhu uga Faa’iidaysan waayeen dhaqdhaqaayada dhalinta?
Nidaamka dowliga ah ee Somaaliya waa dowlad dhexe, Dowlad goboleed, Gobol, Degmo iyo Tuulo. Weyjiraan runtii meelo kuwaan sare kamid ah oo kafaa’iidaystay dhaqdhaqaaqa dhalinta deegaanadooda haba yaraatee lakiin waxaad mooddaa inaysanba ku baraarugsanayn sidii ay uga faa’iideysanlahaayeen awoodaan!
Maadaama uu yahay dalku wadan kasoo kabanaya dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soomaray waxay ahayd in dowlada dhexe iyo dowlad goboleeyaduba uga faa’iideystaan dhalinyaradaan nabadaynta, Ka wacyi galinta dhalinta ee Figrahada qaldan, Tahriibta, Kufsiga, Kor u qaadida Taageeridda dowladnimada, Caafimaadka iyo Naafadda, waxbarashada, Cashuuraha, Isdhexgalka bulshada iyo Nabadaynta, Dhiraynta iyo kor uqaadista Bilicda Magaalooyinka.
Ugu damayntii Maxay tahay In ay sameeyaan  Dhalinyaradu?
Dhalinyaranimadu waa xiliga ugu wanaagsan ee aad go’aansankartid inaad noqoto Qani ama Faqri, Aqoonyahan ama Jaahil, Muxtarim ama qof aan ixtiraam kulahayn bulshada dhexdeeda.
Sidaas owgeed dhalintu waa inaysan marnaba kadaalin horumarinta iyo wax uqabashada wadankooda aadka ugu baahan. waa inay xooga saaraan siday Aqoon kufilan, Magac iyo Khibrad kuyeelan lahaayeen, dhalintu waa inay midoobaan heer tuulo,Degmo, Dowlad Goboleed iyo Dowlad dhexe. waa inay dhiiri galiyaan dowlad wanaagga iyo wadatashiga deegaanadooda. Waa inay qayb muuqata kanoqdaan horumarka dadka iyo dalka.


Ahmed Hussein Suleiman
xaruur143@gmail.com
Garowe, Puntland -Somaliya


DHIBAATOOYINKA QAADKA EE BULSHADA

  Qaadku wuxuu dhibaato fara badan u gaystaa bulshada, dhan caafimaad, dhaqaale, dhaqan, cibaado, qoys, iyo dhan nadaafadeedba. Ummadda Soom...