Qormadaan waxaynu ku soo koobaynaa dhibaatooyinka kala duwan ee qaadku kuhayo bulshadeenna iyo siyaabaha ugu habboon ee aynu uga bixin karno.
1. Hordhac Guud
Qaad ku waa geed leh caleemo cagaaran kaas oo kabaxa meelo ay kamid yihiin bariga Afrika sida Itoobiya iyo Kiinya iyo sidoo kale meelo kamid ah jasiiradda carabta sida dalka Yemen. Waxaa la aaminsanyahay in cunidda qaadka ee deegaanadaan uu kabaxo uu kasoo bilowday qarnigii 11’aad ee taariikhda miilaadiga.
Qaadku umalaha waxtar dadka cuna, wuxuuna leeyahay qabatin la qabatimo oo qofka cunaa uu doonayo inuu raadiyo markasta si uu ugu qanciyo naftiisa qabatinkaas qaadka ee haya.
Daraasado dhowr ah ayaa daaha ka qaaday in cunista joogtada ah ee qaadku ay si xun u saamayso xaaladda bulsho iyo dhaqaale ee qofka isticmaala. Qiimaha maalinlaha ah ee qaadku wuxuu saameyn joogta ah u gaystaa dakhliga qofka cuna iyo kan qoyska. Taas oo hoos u dhigin karta doonista qofka ee helidda cunto nafaqo leh, bixinta biilka guriga, waxbarashada ama baahiyaha kale ee qoyska, taas oo ugu dambayntii keeni karta dhibaato dhaqaale iyo burbur qoys.
Waqti badan ayaa lagu bixiyaa iibsashada iyo cunista caleenta qaadka, taas oo tayac ugaysata saacadaha shaqada iyo wakhtiga qofka cunaya caleemaha maandooriyaha qaadka. Tani inta badan waxay sababtaa ka maqnaanshaha shaqada, qoyska, iyo fasalka haddii qaad cunuhu yahay arday. Dhanka kale xanuunada ayaa ku bata dadka cuna maandooriyaha qaadka sida wadna xanuunka, buufiska iyo faalidka marka loo eego dadka aan cunin qaadka.
Meelo badan oo dunida ah ayaa maandooriyaha qaadka laga mamnuucay ayadoo loo diiwaan galiyey inuu yahay qayb daroogada ka mid ah, laakiinse waxaa aad looga isticmaalaa Afrikada bari sida Soomaaliya, iyo dalal uu ka midyahay Yemen oo uusan sharci darro ka ahayn qaadku.
2. Soomaaliya iyo Qaadka
Inkasta oo qaadku asal ahaan kasoo jeedo bariga Afrika sida Itoobiya iyo jasiiradda Carabta, gaar ahaan dalka Yemen oo labaduba daris la ah Soomaaliya haddana sida taariikhdu tilmaamayso qaadku kama bixin jirin, ilaa haddana kama baxo qaad loo adeegsado ganacsi Soomaaliya. Waxaa la rumaysan yahay in cunista qaadku ay ka bilaamatay qarnigii 11aad dalalkaas aynu xusnay kadibna si tartiib ah uu ugu faafay dalka kale ee u dhow dalalkaas oo ay Soomaaliya kamid tahay wakhti dambe. Sida laga dheehan karo dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan gobollada waqooyi sida Hargeysa, Burco iyo Boorama, qaadku wuxuu qayb ka noqday nolol maalmeedka dad badan oo halkaas ku nool tan iyo xilligii gumeystaha Ingiriiska. Kadibna wuxuu si tartiib ah ugu faafay dalka oo dhan, maadaam Soomaalidu tahay dad aad u socdaala, isdhex gala oo waxwalba wadaaga.
Qaadka laga isticmaalo Soomaaliya waxaa laga keenaa Itoobiya iyo Kiinya. Itoobiya sida gobolka Harar oo caan ku ah soo saarista qaadka. waxaa laga keenaa nooca loo yaqaan "Harari" ama “Hareeri”. Dhanka kalena Kiinya sida gobolka Meru waxaa laga keenaa noocyada qaadka ee Kiinya laga keeno oo loogu yeero “Miraa” ama “Miirow” kaas oo isticmaal kiisu aad ugu badan yahay deegaannada gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
Majirto caddaymo waaweyn oo muujinaya qaad laga keeno Yemen oo daris Soomaaliya kala ah dhanka badda gacanka cadmeed, waxaase la aamin sanyahay in dhaqanka cunista qaadka ee Soomaalida ay Yemen ku leedahay saamayn, maadaama bulshada Soomaalida iyo Yemen tu ay lahaayeen dhaqan is dhexgal bulsho ah oo ku salaysan ganacsi soojireen ah, Soomaali badanina ay ku noolyihiin Yemen oo ay la noqdeen dhaqan-wadaag.
Waagi hore magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ayuu qaadku iman jiray oo laga cuni jiray, laakiin hadda wuxuu goostay xargaha oo waa dhif iyo naadir magaalo Soomaaliya ku taala oo aan laga helin maandooriyaha qaadka si maalinle ah, tan oo muujinaysa baaxadda daroogadani ay ugu faaftay dalka oo dhan taas oo kasoo gasha cirka, xudduudaha dhulka iyo xittaa dhanka badda oo doomo lagu soogasho maaalin kasta.
3. Qabatinka Qaadka
Dadku waxay qabatimaan qaadka taas oo keenta inay markasta u baahan yihiin, Qaadka marka la sooguro waa lala degdegaa, si uu dhakhsiyo ugu helo qofkii cuni lahaa isaga oo aan isbeddelin, waxaa ku jirta maaddo 48 saacadood ka dib is beddelaysa oo noqonaysa mid itaal daran oo la yiraahdo “Cathine”. Maadadan caleemaha qaadka ku jirta ee “Cathine” waxay leedahay sifooyin wax kicin. Waxay saamaysaa habka dhexe ee neerfayaasha waxayna kordhin kartaa garaaca wadnaha, cadaadiska dhiigga, iyo feejignaanta qofka.
Haddaba, maaddadaan oo ah tan qabatinka keenaysa ee qaadka ku jirta waa mid dhaqaajisa in dheecaanno uu qofka ilaahay ku abuuray uu jirku sii daayo kuwaas oo loogu tala galay in jirku sii daayo marka uu la kulmo marxalad cabsi ama welwel leh sidaa waa BBC Soomaali u sheegay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ah dakhdar weyn oo ku takhakhusay neerfaha kana howl-gala Hargaysa.
Jir ahaan iyo maskax ahaan ayuu u saamaynayaa qofka, waayo wadnihiisa aad ayuu u garaacmayaa, wuxuuna qofku ka baxayaa xaaladda deganaanshaha, wuxuuna galayaa sidii xaalad colaadeed oo kale. Waxaa sidoo kale kor u kaca heerka cadaadiska dhiigga. Isha bu’deeda marka aad eegto xilliga uu marqaanku gaaro way furmaysaa sidii inuu ku jiro xaalad colaadeed ama welwel leh. ayuu yiri Dr. Gabboose oo tilmaamaya sida ay maaddadaas u saamayso qofka.
Maadadaas waxay weeraraysaa qaybta dhimirka, Hadday qaybtaa kaliya weerari lahayd qofka way dhibi lahayd, laakiinse qaybta maanka ayaa u qurxinaysa qofka, waxayna siinaysaa qofka mala awaallo, ayadoo illowsiinaysa dhibaatooyinkii kale, waxay ka dhigaysaa qofka mid kujira oo arka xaalad uu raalli ku yahay, ku maqsuudsan yahay oo xalka mushaakilkiisa ay u fududaanayaan. Qaybtaas waa qaybta marka dambe keenaysa in ay sii balaarato oo waalli isu beddesho.
Waxaad arkaysaa gaari qaad sida oo aad u ordaya, ayadoo intaa qaadka biyo lagu rushaynayo, waxaana intaa laga ilaalinayaa inuu qallalo oo maaddadu isbeddesho ayadoo caleen muus lagu xiro, ama qaboojiye la galiyo silooga ilaaliyo in maadadaas qabatinka leh aysan ugubixin caleenta jaadka.
4. Dhibaatooyinka Qaadka
Sida magaciisa uu muujinayo “qaad” wuxuu kaa qaadayaa wixii aad haysatay sida caafimaadki, dhaqaalihi, xilihi, dhaqan wanaaggi, cibaadadi, dadnimadi iyo dawladnimadiba. Dhibaatooyinkaas ayeynu mid-mid ugu eegaynaa qaybtan hoose.
4.1 Caafimaadka
Dhiikar, (Hypertension) sida kucad daraasad ay samaysay hay’adda caafimaadka adduunka (WHO,2018), taas oo laga sameeyey Itoobiya oo ah mid kamid ah waddanada ugu isticmaalka badan cunista qaadka waxay muujisay in qiyaastii 30–50% isticmaalayaasha qaadka u cuna sida joogtada ah ay la noolyihiin dhiikar oo cadaadiska dhiigoodu uu aad u sarreeyo marka la barbar dhigo kuwa aan isticmaalin maandooriyaha qaadka ee ay isku deegaanka yihiin.
Wadna istaag iyo faalid, cilmi-baaris kale oo laga sameeyey Yemen oo iyana ka mid ah dalalka qaadka looga cuno sida xad dhaafka ah ayaa lagu ogaaday in ilaa 39% bukaannada wadno-istaagga degdegga ah iyo faalidku uu haleelay ee dalkaa ay ahaayeen dad cuna qaadka (Al-Motarreb et al., Heart, 2002).
Xanuunada caloosha iyo dheefshiidka, Dalka Soomaaliya iyo Kiinya oo iyagana si joogto ah looga cuno qaadka ayaa daraasad laga sameeyey waxay sheegaysaa in ilaa 30% isticmaalayaasha joogtada ah ee maandooriyaha qaadku ay qabaan dhibaatooyin dheefshiidka laxiriira sida caabuq caloosha ah iyo calool-fadhi joogto ah. Ilaa 60% isticmaalayaasha muddada dheer ee maandooriyaha qaadka ayaa la ildaran oo ka cowda calool-fadhi joogto ah iyo xanuuno kale oo dheefshiidka la xiriira taas oo ay sabab u tahay cunista moogtada ah ee maandooriyaha qaadku.
Murugo iyo Welwel, Isticmaalka maandooriyaha qaadka ee muddada dheer waxaa si aad ah loola xiriiriyay murugo, shalayto iyo welel joogta ah oo uu dareemo qofka qaadka cunaa sida ku cad daraasad ay samaysay hay’adda caafimaadka adduunka (WHO,2015) oo ay ka samaysay Itoobiya iyo Yemen, waxay muujisay in isticmaalayaasha joogtada ah ee maandooriyaha qaadku ay laba jeer ka halis badan yihiin in ay la kulmaan murugo, walaac iyo welwel daran marka loo eego dadka aan isticmaalin qaadka.
Marqaan(Psychosis), Daraasad laga sameeyey UK oo lagu sameeyey qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaas waxaa lagu ogaaday in qiyaastii 20% dadka cuna maandooriyaha qaadku ay muujiyeen calaamado marqaan (dareemidda iyo sawirashada waxyaabo khiyaali ah oo aan jirin). waxyaabahan ay dareemaan dadka qaadka cuna markii daroogada qaadku si baahsan u gasho ayaa u muuqda waxyaabo waali ah, maadaama ay qofka caadiga ah ee aan qaadka cunin ula muuqato wax aan suuragal ahayn oo musta-xiil ah (Griffiths et al., British Journal of Psychiatry, 2009).
Hurdo-xumo, waa dhibaato kale oo caafimaad taas oo uu leeyahay maandooriyaha qaadku, maadaama uu qofku soojeedayo waqti-dheer xilliga cunista qaadka. Daraasad laga sameeyey Yemen, qiyaastii 70% dadka cuna maandooriyaha qaadka ayaa muujiyey cabasho hurdo la'aan iyo tayo-xumo hurdo, taas oo loo sababeynayo cunista qaadka ee waqtiga dheer.
Kansarka Afka, hay’adda caafimaadka ee (WHO) waxay maandooriyaha qaadka ku dartay liiska walxaha suurtagalka ah ee kansarka keena (Group 2B). Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa lagu arkay tiro sii kordheysa oo kansarka afka iyo hunguriga ah oo lala xiriirinayo isticmaalka iyo cunista qaadka, tan oo ah khatar caafimaad oo sii baahaysa.
Cudurrada Cirridka, Daraasad Kenya laga sameeyay waxay sheegtay in ilaa 45% isticmaalayaasha joogtada ah ee qaadka ay qabaan cudurro daran oo cirridka ah, halka dadka aan cunin qaadka ay ahayeen 18%. waa halkii uu Alle ha u naxariistee awaan Abshir Bacadle kalahaa “af qashuush ah oo aan cadagu qaban qaadow adigaa leh”.
Taranka dadka, Arrin kale oo caafimaad taas oo khatardeeda leh waa taranka dadka oo uu qaadku saamayn weyn ku yeesho. Dadka joogtada u cuna maandooriyaha qaadka ayaa lagu ogaaday inuu hoos u dhigo tirada iyo tayada shahwada ee ragga sida ay muujinayso daraasad 2012 laga sameeyey Yemen taas oo muujisay in ragga qaadka cunaa ay 35% ka shahwo yar yihiin ragga aan qaadka cunin. Dhanka kale, Haweenka uurka leh ee cuna qaadka waxay halis sare ugu jiraan inay dhalaan caruur miisaankoodu hooseeyo, ama in ay fooshaan xilli hore taas oo keenaysa inay dhallaan ilmo dhicis ah. Daraasad Itoobiya 2013 laga sameeyay ayaa muujisay in haweenka qaadka cuna ay laba jeer ka halis badan yihiin inay dhalaan caruur miisaankoodu hooseeyo.
4.2 Dhaqaalaha
Hoos u dhaca wax soosaarka qofka, “waqtigu waa lacag” Maandooriyaha qaadka oo sida caadiga ah la cuno saacado badan ayaa sababa in dadka qayilaa ay lumiyaan waqti badan oo shaqo iyo waxsoosaar. Waxa kale oo uu qaadku keenaa daal, caajis iyo hoos u dhac ku yimaada feejignaanta iyo wax-qabadka qofka. Tani waxay keentaa in waxsoosaarka qofka qayila uu aad hoos ugu dhaco oo uu sameeyo dayac badan oo dhanka shaqada ah tan oo keenaysa in qofka waqti badan oo waxsoosaar uu kaga dhumo wax aan micno ugu fadhiyin noloshiisa.
Burbur Dhaqaale, Cunista maandooriyaha qaadku waa aafo iyo mushkilad dhaqaale oo uu qofka qaadka cunaa lanoolyahay ayna tahay inuu dib u xisaabtamo oo uu joojiyo qaadka si uu isu badbaadiyo qofku dhaqaale ahaan tusaale, cilmi-baaris Bankiga Adduunka ka sameeyey Soomaaliya (World Bank, 2022), ayaa sheegaysa in isticmaalayaasha qaadka ee ku nool magaalooyin ka ay ku bixiyaan celcelis ahaan $4 ilaa $10 maalintii, taas oo gaareysa in ka badan $100 bishii, waa lacagta uguyar. Iyada oo dhaqaalaha qofka Soomaaliga soogala uu awalba aad u yaraa. Tanina waxay keenaysaa in qofka qayilaa uu dayaco mas’uuliyaddii iyo daryeelkii laga rabay.
Hoos u dhaca is caawinta, Bulshooyin badan oo Soomaalidu u tahay tusaale wanaagsan ayaa ah kuwo dhaqan ahaan is caawiya oo iska kaalmeeya qaybaha kala duwan ee nolosha, tan oo ah dhaqan aad u wanaagsan, oo bulshada Soomaaliyeed ay ku caano-maaleen ayna tahay inaynu adkayno bulsho ahaan dhaqankaan wanaagsan.
Hase yeeshee, cunista maandooriyaha qaadka ayaa ku ah caqabad weyn caawimaadda dhaqaale ee bulshadu isu fidiyaan tusaale, daraasad laga sameeyey Ingiriiska (UK), ayaa muujinaysa in bulshada Soomaalida ee qurbo-joogta ah ee isticmaala qaadka ay aad u yartahay lacagaha ay u diraan qoysaskooda, taasoo saameyn taban ku yeelata dhaqaalaha xubnaha qoysaskooda ku nool gudaha Soomaaliya (Klein, 2007).
Daraasaddaan ku saabsan Soomaalida ku nool UK ayaa muujinaysa in dadka sida joogtada ah qaadka u cuna ay 40% uga lacag dirid yaryihiin ehelkooda marka la barbar dhigo kuwa aan cunin maandooriyaha qaadka.
Arrimahaan kore ee dhaqaalaha ayaa inoo bayaaminaya in maandooriyaha qaadku yahay lacag burbur joogta ah, marba haddii uu yareynayo saacadaha waxsoosaarka qofka, kaydsiga lacagta ee qofka, caawimaadda ehelka iyo bulshada, sidaas oo kale dhul beereed aad u baaxad weyn iyo biyo badan oo looga faa’iidaysan lahaa waxsoosaar qutul-daruuri ah ayuu u baahanyahay, tan oo caqabad kale ku ah wax soosaarka bulshada. Saamaynta uu si gaar ah maandooriyaha qaadku ugu leeyahay dhaqaalaha Soomaaliya si guud ayaa ah mowduuc weyn oo u baahan in si madaxbanaan waxlooga qoro.
4.3 Qoyska iyo Dhaqanka
4.3.1 Qoys-ka
Maandooriyaha qaadku wuxuu saameyn xooggan ku leeyahay qoysas-ka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna sababaa dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin;
Kharashka Joogtada ah, ,Maandooriyaha qaadku waa kharash joogta ah oo aan dhammaad lahayn maalinkastana soo taagan, tani waxay hoos u dhac dakhli kutahay qoyska qofka cuna qaadka. Arrintani waxay keentaa in lacag uusan mudnayn lagu bixiyo qaadka, halkii lacagtaas loo adeegsan lahaa baahiyaha kale ee muhiimka u ah qoyska sida cuntada, dharka, waxbarashada, biilasha biyaha, korontada iyo daryeelka caafimaadka qoyska.
Xiriirka qoyska, Maandooriyaha qaadku wuxuu sababaa kala fogaansho iyo khilaaf qoys-ka dhexdiisa ah, Marka xubnaha qoyska ugu muhiimsan sida Aabahu uu waqti badan ku dhumiyo cunista qaadka iyo fadhiga marfishyada lagu qayilo, tan oo sababaysa dayac iyo ka maqnaasho mas'uuliyadaha qoyska ee saaran. Dayaca noocan ahi wuxuu keenayaa khilaaf, dhaliil iyo inuu xumaado kala warhaynta iyo xiriirka qoysku, inta badan waxaa dhacda inuu Aabaha qayila uu dhumiyo xiriirka ilmihiisa oo uu noqdo mar uu maqanyahay iyo mar uu hurdo, tan oo ka dhigaysa caruurta kuwo aan helin doorkii Aabaha ee qoyska.
Burburka Qoyska, Waxaa jira xiriir xooggan oo ka dhexeeya cunista maandooriyaha qaadka iyo furiirnka qoyska sida daraasado kala duwan oo la sameeyey ay muujinayaan, arrinkaan oo markii lasoo ururiyo salka ku haya dhaqaalaha qoyska oo si qaldan uu Aabuhu u isticmaalo, dabeecadaha qofka qaadka cuna oo isbeddela oo xumaada, culays hooyada uga yimaada dhanka ilmaha markii doorki aabahu meesha kabaxo, xiriirka lamaanaha oo noqda mid aad u yar, mus’uuliyaddi ninka ee qoyska oo aad hoos ugu dhacda, waxyaabahan oo gundhig maandooriyaha qaadku u yahay oo dhammi waxay qayb weyn ka qaataan furriinka iyo burburka qoyska.
4.3.2 Dhaqanka
Wax soosaar yaraan, Bulshada Soomaaliyeed waa dad leh dhaqan wax soosaar, karti iyo firfircooni ku dhisan. Waa tii abwaanki Soomaaliyeed lahaa “wiil laba iyo toban jirsadey hadduu lali ahaan waayo, looyaanta dirireed hadduu laaga rogi waayo, liibaanta xoolaad hadduu luug ku darin waayo, marti leyl dhexaxaad timid hadduu luun rogi waayo, kol haddii labaatan uda’a oo labo u dheeraato, raganimo luddiis kuma jirtee liicyaye ogaada” Tan oo ina tusinaysa howlkarnimada, iyo mas’uulidda qofka Soomaaliyeed laga filayo , abwaanku sida uu tixda kumuujinayo, dhaqankeenuna ahaa markaynu miyiga joognay, wiil yar oo 12 jir ah ayaa laga filayaa inuu ahaado wiil dhankasta ka dhisan oo xoolo dhiqin kara, dad marti qaadinkara. laakiin daroogada qaadku waxay inagu keentay dhaqan liita oo ah inaad aragto maanta 40jir aan ooridiisi iyo ilmihiisi ka warhayn, iskabadaa waxkale e!. Marka daroogada qaadku waxay liddi ku tahay dhaqankeenna wanaagsan ee ku dhisan kartida, firfircoonida, xoog furnaanta iyo garashada sarreysa ee qofka Soomaaliga ah uu dhaqankiisa fiicani ku ababinayo.
Anshax xumo, Dhanka kale dhaqankeenna Soomaaliyeed ee salka ku haya diinta suubban ee Islaamku wuxuu ina barayaa hab dhaqan ku dhisan xishood, ixtiraam, kala soocid jingisa lab iyo dhiddig, asturnaan iyo kala damayn bulsho. Sida kala damaynta ragga iyo dumarka, doorka ninka iyo ooridiisa, ilmaha iyo waaridkiis, xiriirka qaraabada, xididka iyo wixii lamid ah.
Maxaase dhacay, markaynu daroogada qaadka laasimnay oo in badan oo bulshadeeni kamid ahi noqdeen rag iyo dumar, yar iyo weyn iyo bulsho wada daroogaysan? Waxaa dhumay dhammaan anshaxii bulshadeenna ee xishoodka, ixtiraam, aaminaadda iyo mas’uuliyadda ku dhisnaaa, waxuuna maandooriyaha qaadku inaga dhigay bulsho anshaxoodu aad u hooseeyo, isku dhexyaacsan oo aad u bahdilan markii loo eego sidii dhaqan keeno ahaan jiray.
4.4 Cibaadada
Cunista maandooriyaha qaadku waxay si xooggan u saameysaa cibaadada qofka Muslimka ah, gaar ahaan salaadda, soonka, iyo guud ahaan xiriirka qofka uu la leeyahay Ilaahiis.
Salaadda, Salaadaha qofka muslimka ah laga rabo waa kuwo soo laalaabanaya kuna salaysan waqti go’an. Qof daroogaysan iyo waqti ilaalinna aad bay u kala fogyihiin, oo waxaaba dadka qayila qaar kuu sheegayaan inay u qayilaan si’ay waqtiga iskaga lumiyaan tan oo ah arrin naxdin leh in dadkii dunida waqti la’yihiin da’yar Soomaaliyeed oo badanina ay ku leeyihiin cunista daroogo ayaa waqti iskaqa dhuminnaa!.
Salaaddu waxay ubaahantahay dahaaro jireed, hu’ iyo goobta lagu tukanayo oo laynaga rabo inay daahir/nadiif ahaato, dad badan oo maandooriyaha qaadka cuna, haddiiba ay tukadaan waxay ku tukadaan meel aan masjid ahayn, marfish ah oo aad udayacan dhanka nadaafadda iyo ku habboonaanta cibaadada.
Soonka, Cunista maandooriyaha qaadku waxay si toos ah saameyn ugu leedahay soonka qofka qayila. Sida aynu horay u xusnay qaadku wuxuu leeyahay qabatin keenaya in dad badani dayacaan soonka xilliga ramadaanka, halka qaar kale soomaan maalintii laakiin nasiib xumo ku afuraan maandooriyaha qaadka oo ah daroogo xaaraan ah. Tan oo ah dhibaato aad u weyn in qof maalintii oo dhan soomanaa ku afuro wax ilaahay ka reebay cunistiisa!. waana arrin halisteeda leh oo aytahay in dadka maandooriyahan qaadka isticmaalaan ay dib u eegaan.
Dayaca fursadaha kale, Alle SWT wuxuu aadanaha siiyey fursado tiro beel ah sida Eebbe inoogu sheegay Qur’aanka, Suubanaheenuna SCW, uu inoo caddeeyey oo ina soogaarsiiyey. Kuwaas oo ay ka midyihiin salaado sunne ah, ducooyin, iyo adkaar tiro badan kuwaas oo qofka muslim ka ahi hadduu layimaado uu helayo abaalmarino kuwo adduun iyo kuwo aakhiroba isugu jira. Nasiib xumo se, dadka maandooriyaha qaadku uu marin habaabiyey, waxay u badantahay inaysan waqti uhelayn inay ka faa’iidaystaan fursadahaas dahabiga ah ee Eeebbe inoogu naxariistay. Maadaama ay u baahanyihiin, waqti iyo juhdi oo uusan jirin wax bilaash ah, waxkastana ay ubaahanyihiin in qofku la yimaado sababti, Allena ka rajjeeyo aqbalki wixii uu ka codsaday.
4.5 Dowladnimadda
Maandooriyaha qaadka, oo ah daroogo dadka Soomaaliyeed yar iyo weynba wada ogyihiin inuu yahay xaaraan waxyeelo ba’an ku haysa noloshooda, wuxuu saameyn xun oo baahsan ku leeyahay dowladnimada iyo maamul wanaagga dalka Soomaaliya.
Dhaqaalaha dalka, Maandooriyaha qaadku wuxuu sabab u yahay in lacag badan oo dadkii waddanku ka baahanyihiin ay u baxdo dalka dibaddiisa si maalinle ah.! Dhaqaalaha ku baxa maandooriyaha qaadka ayaa ah kan ugu badan ee si garashada aadanaha ka baxsan ay bulshada Soomaaliyeed ugu iibsaddo maandooriye liddi ku ah bad-qabkooda iyo jiritaankooda dadnimo, oo iyaga oo og inuu xaaraan yahay diin ahaan, caafimaad ahaanna uu dhib ku yahay ay haddana soo daldalanayaan dharaarkasta!. Lacagta Soomaaliya kusoo iibsaddo maandooriyaha qaadka ayaa kabadan hal bilyan oo doolar sanad ki. Waana wax sinnaba aan loo aqbalin karin in bulsho wada muslim ah ay lacagta intaas le’eg sanadkasta kusoo iibsadaan maandooriye uu Alle ka xaaraan-tinimeeyey, kaasoo dhib joogta ah ku haya da’yartooda, qoysaskooda, nabaddooda iyo guud ahaan jiritaankooda bulsho.!!!
Maandooriyaha qaadku, waxuu si ba’an u saameeyaa dakhliga dowladda, oo markii laga yimaado inyar oo cashuur ah oo ay dowladdu maandooriyahan ka qaadato, haddana waxa kabadan dheefta dawladdu ku waayeyso lacagtan adag ee sida maalinlaha ah dalka looga qaado iyada oo dalal kale ay manaafacsadaan dakhligii yaraa ee dadku haysteen oo ay ahayd in dowladdu qorshayso oo uga faa’iidayso dad weynaha.
Tayo-xumada shaqada dowladda, siddii aynu horay u xusnay dadka qaadka isticmaala waxay u badan yihiin dad daallan oo dulqaad yar maadaama ay saacado badan soojeedeen, tani waxay keenaysaa in waqti badan oo ka mid ah saacadaha shaqada ee hay’adaha dowladda lumiyaan, iyaga oo xilli hore ka baxaya shaqada, soo daahaya ama maqnaanaya oo waqtigii shaqada aan ilaalinayn.
Dhanka kale, maadaama dadka cuna qaadku ay soojeedaan saacado badan waxa ka dhalanaya dulqaad yari iyo dabeecad xumo, tan oo suurad xumaynaysa shaqaalaha dowladda, hoosna u dhigaysa tayada shaqada ee qofka. Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa dhibbane u ah dulqaad yarida shaqaale dowladeed oo si xun u istimaalay awoodda goobaha shaqo ee ay joogaan, tan oo haddaad sii eegto ay sal utahay daalka, diiqadda iyo dulqaad yaridda uu ku keenayo maandooriyaha qaadku qofka isticmaala.
Musuq-maasuqa, arrinta naxdinta leh waxa weeye in inaga oo ah dad Islaam ah oo diintoodu si adag uga reebtay musuqa inaynu nahay mid ka mid ah dalalka ugu musuqa badan adduunka sanadki hore (2024) waxaynu ahayn dalka labaad oo kaliya waxaa inaga horreysay Koofurta-Soodaan, oo haddaynaan kow noqon waxaynu noqonnaa labo ama saddex.!
Cunidda maadooriyaha qaadku wuxuu si toos ah ugu lug-leeyahay musuqa, eexda, qabyaaladda iyo wax isdaba marinta daashatay dadka Soomaaliyeed. Qaadku wuxuu keenayaa in qofku raadsho inuu helo kharash dheeri ah oo joogta ah, raadintan helidda kharashka badan oo dheeri ah si uu umeeleeyo lacagti qaadka oo lagu daray qabatin-ka qaadka ee qofku dareemayo, waxay keenaysaa in qofku markasta raadsho lacag si fudud kusoo gasha. Habraadintan lacagta ee musuqa ah ayaa ku xadgudbaysa shuruucda dalka iyo goobaha shaqada ee uu qofku joogo.
Amnidarrada, waxyaabaha ugu weyn ee aynu dowladda uga baahannahay waa helidda adeegyada bulshada oo amnigu qayb weyn kayahay oo haddii aan amni jirin inooma suuroobayso inaynu intifaacsanno adeegyada kale ee dowladda. Maandooriyaha qaadku wuxuu si xooggan uga qayb qaataa amnidarrada. Aan kusiiyo tusaale fudud “Soomaaliya waa meesha ay caadi katahay inaad si joogta ah u aragto askari taqsiiman oo qaad ruugaya, haddana bac kuwata qayb kale oo amniga sugaya”!! qofkaas daroogaysan ee caynkaas ahi ma amni buu sugin karaa oo waa laysku aaminikaraa mise asagaa u baahan badbaado?!!, Qof maankiisu uusan joogin oo daroogaysan inuu amnidarro ka qayb noqdo mooyee, ma noqonkaro amni-suge.
Sidaas darteed, ayaa amnigeenu hagaagin karin, inta aynu amni ka sugayno saraakiil, iyo ciidamo iyagii daroogaysan oo naftoodi shakhsiga ahayd ka xagamayn waayey maandooriye.!
Arrimahan, kore oo dhammi waxay caddaynayaan xiriirka ka dhexeeya dowlad wanaaga iyo isticmaalka qaadka oo ah labo shay oo aan isqaadan karin ayna tahay inaynu dib u eego.
5. Madaxda Soomaalida iyo Qaadka:
Qodobkan “Madaxda Soomaalida iyo Qaadka” waa qodob leh xiiso gaar ah, loona baahanyahay in laga sameeyo xog ah gacanti koowaad, maadaama waagi hore, qaadku uu ahaa darooga ay ka ganacsadaan dad rayid ah oo kaliya, madaxduna markii laga reebo cashuuraha ay ka qaataan qaadka iyo intooda qayisha oo saamigooda qaadka ka qaata aysan sitoos ah ugu lug lahaan jirin ka ganacsi qaad.
Laakiin, maanta ay waxkasta isbeddeleen oo madaxda Soomaalidu intooda badani noqdeen qaad-wadayaal ka ganacdada maan-dooriyaha qaadka ee dadka iyo dalkaba faraha ba’an ku haya. Waxaan ku casumayaa qorayaasha jecel arrimaha bulshada inay waxka qoraan in qodobkaan si madax banaan in wax looga qoro, si’aynu ugu hiilinno badqabka bulshada Soomaaliyeed ee dhankasta lagaga soo duulay.
6. Xalka Qaadka
Wacyigelin bulsho, waxaan isleeyahay wacyi-galin bulsho oo qorshaysan, aad u abaabulan waa lagama maarmaan si ugu yaraan loo xagameeyo fididda maandoooriyaha qadku ku sii fidayo dalka daraf ilaa dacal. Wacyigalintaasi waa inay leedahay qayb diini ah oo si nafsi ah u abaabulan, qayb caafimaad, qayb maskaxeed, qayb dhaqan, qayb dhaqaale, iyo qayb warbaahineed intaba.
Abuuridda fursado shaqo, Arrinta cajiib ka ah waxa weeye in dadka qaadka cuna iyo kuwa ka ganacsadaba ay ogyihiin in uu xaaraanyahay, ugu yaraan ogaal kaasi waa arrin fiican oo waxbadan fududeyn karta. Sidaa darteed shaqo-abuurista iyo ku dhiirrigelinta dadka ganacsiga qaadka ku jiraa waxkale oo ka fiican waa fursad dadka ku howlan maandooriyahan loogu helin karo beddel dhaqaale oo kala. Dhanka kale, dhallinta oo lagu mashquuliyo shaqo iyo wax soosaar waxay hoos u dhigin kartaa tirada dadka qayila oo u badan dad aan garanayn wax ay sameeyaan kuwaas oo siday iyagu u arkaan firaaqa iyo waqtiga laftigiisu uu ku noqday caqabad.
Sharci adag, Inkasta oo sida xaal maanta yahay aysan suuragal umuuqan haddana, Dowladdu waa cidda kaliya ee awood iyo sharciyad ahaanba xaggamayn karta maandooriyahan baabi’iyey maalki, muruqi iyo maskaxdi ummadda Soomaaliyeed. Dowladdu waxay samayn kartaa shuruuc lagu xakamaynayo keenista, qiimaha, iibka iyo isticmaalka xad-dhaafka ah ee qaadka.
7. Gunaanad
Maandooriyaha qaadku wuxuu saameyn xun ku yeeshay dhinacyo badan oo nololeed, oo ay ka mid yihiin Diinta, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Caafimaadka, Dowladnimada, iyo jiritaan ka Qoysaska Soomaaliyeed.
Diin ahaan, qaadka wuxuu sababayaa luminta waajibaadka diineed iyo ku dhicidda dunuub waaweyn, halka dhaqanka uu burburiyo anshaxa iyo xushmadda bulshada.
Dhaqaale ahaan, wuxuu sababayaa khasaaro weyn oo ku yimaada dakhliga qoysaska iyo horumarka guud ee dalka, Caafimaadka ayuu si daran u waxyeelleeyaa, isagoo keena cudurro badan sida dhiig karka, xanuunnada maskaxda,cirridka, ilkaha, dheefshiidka, nafaqo xumo iyo cuduro kale oo badan.
Dowladnimada ayuu maandooriyaha qaadku carqaladeeyaa, isagoo hoos u dhigaya wax soosaarka shaqaalaha, kordhiya heerka musuq-maasuqa, qayb weyna ka ah xasillooni-darrada siyaasadda dalka.
Qoys-ka oo ah asaaska bulshada ayuu kala geeyaa maandooriyaha qaadku, wuxuu abuuraa khilaaf joogto ah, oo ku dambeeya badanaa burbur qoys. Tanoo keenta dayac ku yimaada caruurta iyo mustaqbalka da’yarta oo noqonaya kuwo iskoris ah xillihoreba oo aan hellin fursado badan oo ay xaq u lahaayeen. Sidaas darteed, xakamaynta iyo ciribtirka isticmaalka maandooriyaha qaadka waa lama huraan si loo badbaadiyo bulshada, dhaqaalaha, caafimaadka, iyo mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Tixraacyo:
lAl-Motarreb, A., et al. (2002). Heart Journal.
lGebrehanna, E., et al. (2013). Ethiopian Journal of Health Sciences.
lGriffiths, P., et al. (2009). British Journal of Psychiatry.
lKlein, A. (2007). Khat and the Informal Globalization of a Psychoactive Commodity. Current Anthropology, 48(5), 771–793.
lWHO International Agency for Research on Cancer (IARC).
lWorld Bank (2007). Yemen Khat Report.
lWorld Bank. (2022). Somalia Economic Update: Investing in Health to Anchor Growth. Washington, DC: World Bank Group.
lWorld Health Organization (WHO), 2015 Report on Mental Health and Substance Abuse.
lWorld Health Organization (WHO), Eastern Mediterranean Health Journal (2018).
W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)
Email: xaruur143@gmail.com